Madaxweynaha Puntland oo maanta xafiiskiisa ku qaabilay saraakiil ka tirsan UNISOM.[Masawiro]

April 1, 2014 - Written by Editor

IMG_5140Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. C/weli Max’ed Cali Gaas ayaa xafiiskiisa Garowe ku qaabilay masuuliyiin ka tirsan UNISOM, waxayna si qoto dheer uga wada hadleen arrimaha dimuqraadiyaynta iyo sidii loo dardar gelin lahaa. Dhanka Dawladda Puntland waxaa kulanka ka qayb galay qaar ka mid ah Golaha Wasiirada iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Dastuurka, Arrimaha Federaalka iyo Dimuqraadiyaynta Sahra Siciid Nuur ayaa sheegtay in Puntland iyo shacabkeeduba ay u diyaarsan yihiin sidii looga dhabayn lahaa hir-galinta Nidaamka Axsaabta Badan iyo Dimuqraadiyada si loo gaaro doorasho ku timaada nidaamka loo yaqaano “One Man , One Vote” oo macneheedu  yahay Hal-qof , Hal-cod marka la gaaro sanadka 2018.

no images were found

Saraakiisha UNISOM ayaa dhankooda ballan qaaday inay Puntland taageero mug weyn kasiin doonaan dardar gelinta barnaamijyada Dimuqradyaynta ,isla markaana ay muhiim tahay in si dhakhso ah loo guda galo. Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa masuuliyiinta UNISOM uga mahad celiyay taageerada wanaagsan ee ay doonayaan inay ku bixiyaan hirgalinta arrimaha dimuqraadiyada si shacabka Puntland ay cokooda ugu doortaan masuuliyiinta dalka hogaamin doonta marka la gaaro sanadka 2018-ka.

Madaxeynaha ayaa si cad u sheegay in Dawladdiisu ay ka dhabayn doonto oo ay ay fulin doonto in Puntland si dhab ah looga hir geliyo arriimaha dimuqraadiyaynta iyo nidaamka axsaabta badan maadaama ay muhiim u tahay taabaqaadka nolosha aadanaha iyo horumarka bulshada.

-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka
Ee Madaxtooyada Puntland

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online