Madaxweynaha Puntland oo xariga ka Jaray Xabsiga cusub oo laga furay Garoowe[Masawiro]

April 2, 2014 - Written by Editor

IMG_5409Garoowe:-Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdi weli Maxamed Cali Gaas iyo ku xigeen kiisa Cabdixakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey ayaa manta si rasmi ah xariga uga jaray xabsiga weyne ee Caasimadda Puntland ee Garowe, xabsigaas oo ay si wada jir ah u isaga kaashadeen Dawaladda Puntland iyo beesha caalamka.

Munaasabada lagu daah furayay xabsiga cusub ee Garowe  waxaa sidoo kale ka qayb galay golayaasha Dawaladda Puntland, safiirada dalalka reer yurub, saraakiisha sare ee ciidanka Puntland, masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, saraakiil ka tirsan hay’adaha QM iyo xubno kale oo muhiim ah.

Masuuliyiinta Puntland iyo Dowladda Federaalka Somalia ee joogay munaasabadda xariga looga jarayay xabsiga weyne ee garowe waxaa ka mid ahaa Wasiirka Amaanka Puntland Xasan Cisman Alloore, Wasiirka Maaliyadda Puntland Shire Xaaji Faarax,Wasiir Xigeenka Maaliyadda Puntland Axmed Yaasiin Saalax, Wasiirka Caddaalada Puntland Ismaaciil.

Max’ed Warsame, Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland General Cali Nuur, Taliyaha Ciidanka Police-ka Puntland General Max’ed Siciid Jaqanaf, Taliye Xigeenka Ciidanka Poilice-ka Puntland General Muxiyadaain,Wasiir Ku Xigeenka Caddaaladda Dawladda Soomaaliya Cabdillaahi Bile Nuur , Taliyaha Xabsiyada Soomaaliya General Xuseen Xasan Cismaan iyo masuuliyiin kale.

Dalalka ka qayb qaatay dhismaha xabsigan waxaa iyagana ka joogay Mr Alain ANCION ku xigeenka safiirka Dawaladda Holland ee Somalia, Mr Neil WIGHAN Safiirka Dawaladda UK ee Somalia, Mr Jan-Petter HOLTER DAHL qunsulka Dawaladda Norway ee dalka Kenya iyo masuuliyiin kale oo iyaguna ka socday dalalka Denmark, Finland, Tukey iyo Australia.

Dhinaca QM waxaa iyagana uga qayb galay masuuliyiin ka socday hay’adaha kala ah UNDP, UNODC, UNOPS, UNSOM,UNICEF,WFPUNFPAUNHCR iyo kuwo kale.Taliyaha Ciidanka Asluubta Puntland General Cali Nuur ayaa munaasabada ka sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka xabsiga weyn ee Garowe, isla markaana ay si dhab ah uga fekeri doonaan dayactirkiisa iyo ilaalintiisaba, sidoo kale wuxuu u mahad celiyay dhamaan dalalkii ka qayb qaatay dhismaha xabsiga Garowe .

Madaxweyne Ku Xigeenka Puntland Cabdi-xakiin Cabdillaahi Xaaji Cumar Camey ayaa dalalka deeqaha bixiya iyo QM u sheegay in howshu aysan wali dhamaan, balse ay sugayaan taageero lixaad leh si loo dar dar galiyo shaqooyinka uu xabsiga Garowe qaban doono.

Madaxweynaha Dawaladda Puntland Dr. Cabdi-weli Max’ed Cali Gaas ayaa isaguna dhankiisa si weyn u amaanay cid kasta oo ka shaqaysay hir galinta xabsigan weyn ee garowe oo ay ugu horeeyaan dalalka deeqaha bixiya iyo QM.

Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale tilmaamay in xabsigan uu muhiimad weyn u leeyahay Puntland, isla markaana uu noqon doono goob lagu hayo dadka gaysta danbiyada waaweyn laguna dhaqan celiyo si ay uga kaaftoomaan falalka xun ee bulshada wax u dhimi kara.

no images were found

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kormeeray dhamaan qaybaha uu xabsiga Garowe ka kooban yahay, wuxuu kale oo salaam sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Asluubta iyo kooxda baanboyda Puntland.

-DHAMAAD-
Xafiiska Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha
Iyo Dhaqanka ee Puntland.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online