Maxkamad ku taalla dalka Masar oo 683 Ruux ku xukuntay dil

April 28, 2014 - Written by Editor

waalidiinQaahira:-Maxkamad ku taalla dalka Masar ayaa dil ku xukuntey 683 xubnood oo ka tirsan dhaqdhaqaaqa Ikhwaanul Muslimiinka, kadib markii lagu heley dembiyo ay ka mid yihiin dil loo geystey sarkaal booliska ka tirsan iyo falal kale oo rabshadeed oo amniga lagu carqaladeynayey.

Garsooraha maxkamadda ayaa xukunkaasi maanta ka ridey  magaalada Minya oo ilaa 200 kilometer dhanka koonfureed ka xigta magaalada Qaahira.

Dacwaddan ayaa lala xiriirinayaa banaanbaxyo rabshado wata oo ka dhacay Minya iyo qeybo kale oo Masar ka tirsan, markii ciidamada ammaanka ay xoog ku kala eryeen banaanbaxyo ay dhigayeen taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin bishii August ee sannadkii la soo dhaafey.

Boqolaal qof ayaa lagu diley olole balaaran oo lagu kala eryayey taageerayaasha madaxweynihii talada laga tuurey ee Mohammed Morsi.

Bishii la soo dhaafey isla maxkamaddan ayaa 529 qof ku xukuntey dil, iyagoo lagu heley isla dembiga lagu heley dadka maanta la xukumey. Dacwaddaas ayaa socotey muddo laba maalmood oo qura, waxayna keentey in beesha caalamka ay dhaleeceyaan su’aalna ka keenaan in xukunkaasi uu caddaalad ku saleysnaa iyo in kale.

Mas’uuliyiinta dowladda Ku meel gaarka ah ee Masar ayaa wada hawlgallo lagu ugaarsanayo ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ay ku tilmaameen inuu yahay urur argagixiso, isla markaana xabsiga dhigey qaar badan oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha ururka.

Voa Somali.

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online