Mu,assasda Al-minhaaj oo kulan u qabatay Golaha degaanka Gaalkacyo.[Masawiro]

April 27, 2014 - Written by Editor

DSC00199Gaalkacyo:-Waxaa Mu,asasda al minhaaj qaybta magaalada Gaalkacyo ay kulan u qabatay golaha degaanka Gaalkacyo ee la dhisay maalintii jimcaha ahayd ee taariikhdu ahayd 25/04/2014. Kulanka u jeedadiiso ayaa waxaa uu ahaa in la wacyi geliyo golaha degaanka cusub ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, kulanka ayaa waxaa uu ka dhacay laguna qabtay Hotelka Goden ee magaalada Gaalkacyo.

Kulanka ayaa waxaa ka soo qayb galay dhamaan xubnaha golaha degaanka oo ka koobnaa ilaa 27 xubnood, kulanka ayaa waxaa kale oo lagu casumay qaar ka mid ah culimada Gobolka Mudug gaar ahaan Sh.Aadan Maxamed Cigaal oo ah madaxa jaamacada bariga Africa qaybta Gaalkacyo kana tirsan dalada culimada gobolka Mudug iyo Sh. Xuseen Cigaal oo ahaa culimadii dacwada Salafiga ee Soomaaliya.

Waxaa iyagan culimadii kale ee ka soo qayb gashay kulanka ka mid ahaa:-

1. Sheekh. Cabdirsaaq Warsame

2. Sheekh. C/casiis Axmed Aadan

3. Sheekh. Cilmi Yuusuf

4. Sheekh. Badal Maxamuud Sugulle iyo Sh Axmed

Waxaa kulanka ugu horeytii lagu furfuray Aayadu quraanka kariimka ah ka mid ah oo ka hadlayay : amaanada iyo sidda ay u weyn tahay waxaana akhriyay Macalin Cabdinaasir oo ah imamka masjidka Ramadaan. intaas ka dib waxaa muxaadaraad soo jeediyay culimada ay ugu horeeyeen Sheekh Aadan Maxamed Cigaal oo ka hadlay in laguto amaanada lagu aaminay dadka masuulka ka ah dadweynaha.

Sidoo kale waxaa muxuudaro soo jeediyay Sh.C/risaaq Warsame oo aad ugu dheeraaday waa jibaadka saaran golaha degaanka dhankasta sida waajibaadka ka saaran diinta islaamka iyo ka shaqaynteeda , waajibaadka ka saaran umada iyo dalka intaba.
Qodaba ugu muhiimsanaa ee ay culimada kala hadashay golaha degaanka Gaalkacyo waxay ahaayeen sida tan:-

1 – Cadaalada

2 – Adkaynta ammaanka gobolka.

3 – Adkeynta walaalnimada bulsha weynta dagan magaalada Gaalkacyo.

4 – Joojinta mukhaadaraadka sida qaadka , khamrida. Xashiishada .

5 – Hormarinta magaalada Gaalkacyo dhan kasta sida dhismaha wadooyinka ,nadaafada magaalada ,iyo dhanka dhaqaalaha.

Intaas ka dib ayaa waxaa hadalka ku soo dhawaaday Maayir ku xigeenka gobolka Yacquub oo aad oga mahad celiyay wanaga iyo wacyi galinta loo sameeyay golaha degaanka magaalada Gaalkcayo isagoo aad u soo dhaweeyay dhamaan wixii wacyi gelinta iyo la talintii ay u soo jeediyeen culimadu iyagoo balan qaaday in ay fulin doonan dhamaan taladii ay culimada soo jeediyeen.

Waxaa ugu danbeentii shirka soo xiray Maayirka magaalada Gaalkacyo C\casiis Jaamac Nugaal oo aad ugu mahad celiyay Mu,assada Al-minhaaj oo uu ku tilmaamay in ay mar walba u taagan tahay ka shaqaynta danaha dadka dhan kasta .

no images were found

Maayirka magaalada Gaalkacyo C\casiis Jaamac Nugaal ayaa waxaa kale oo uu balan qaaday in uu ka shaqayn doono in uu joojiyo wax walba oo wax u dhimay diinta Islaamka lana dagaalami doono anshax xumada isagoo kaalmausan doona culimada.

Muss’ssada Al-Minhaaj
Gaalkacyo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online