Musasada Al-Minhaaj ee gobalka Nugaal oo bilawday Wajigii 4aad ee Gurmadka (Masawiro)
April 30, 2014 - Written by EditorGaroow:-Shir jaraa id oo ay si wada jir ah u wada qabteen gudoomiyihii gurmadka Sheikh Maxamuud Xaaji Yuusuf iyo gudoomiyaha fulinta Mu,asasada alminhaaj faraceeda gobolka nugaal Sheekh Mukhtaar Axmed Faarax ayaa waxay soo bandhigeen iyaga oo kaashanaya mu,asasada almnhaaj Macalimiin iyo ducaad ay musasada u dirtay goobihii ay kadhacday daadadkii iyo duufaantii ku dhufatay deegaano ka tirsan gobalka Nugaal .
Culimada iyo Macalimiinta loo diray in ay deegaanada ay dufaanta ku dhufteen ayaa intooda badan ka yimid Machadka Al furqaan ee magaalda laascaanood machadkaa oo sheeh Caabdi Naasir Xaaji illaah ha xifdiiyee uu gacanta ku hayo ayaa u kala anbabaxay tuulooyin dhowrah kuwaas oo loogu talagalay in ay diinta baraan dadkii ay saamaysay duufaantu waxaana ugu horaynba shirka jaraa id kahadlay Sheikh Maxamuud Xaji Yuusuf wuxuuna uu u hanbalyeeyay culimada dadka bari doona diinta iyo Alminhaaj oo dhaxda uxiratay in ay umada diintooda iyo aduunkoodaba garab taagnaato waxaana sheekhu dhamaan illah uga baryay in ay illaah usahlo howsha adage e ay dhabarka saarteen .
Waxaa isna goobta kahadlay Gudomiyaha golaha fulinta Mu,asasada al minhaaj Gobolka Nugaal Sheikh Mukhtaar Axmed Faarax waxaana uu cadeeyay in ay diyaariyeen inka badan 12 mucalim oo guud ahaan bari doona bulshada ay u tagayaan diinta islaamka iyo waxyaabaha aasaasiga waxaana ka mida meelaha culimada loo qorsheeyay in ay tagaan
no images were found
(1) Qarxis 2 baarweyn 3 budunbuto 4 Eyl 5 Xaaji khayr 6 dhuun 7 kabaal iyo meelakaloo ka agdhow waxaayna soconaysaa waxbarashadaani mudo dhan Halsano waxaana loogu talagalay in ay mudadaas soo baxaan dadyaqaan diintooda umadana gaar siiya waxaana isla goobta lagu macasalaameeyay 7 sheekh oo u kala anbabixi doona meelihii loogu talagalay mid ka mida culimada oo goobta kahadlay ayaa sheegay in si aada ugu faraxsanahay in ay umada ay gaarsiiyaan dacwada iyo diinta allah iyaga oo gudanaya waajibkii allah saaray.
Musasat Al-Minhaaj
Halgan.net