Mutamarkii 1aad ee Al-irshaad ee dhalinyarada Uk oo ka dhacay London.[Masawiro]

April 22, 2014 - Written by Editor

IMG_2688London:-Waxaa lagu qabtay bariga London 20 April 2014 Mu,tamarkii 1aad ee dhalinyarada , waxaa ka soo qayb galay boqolaal dhalin yaro ah iyo waalidiintood. Mutamarka dhalinyarad ayaa waxaa uu ahaa mid kor loogu qaadayey wacyi gelinta diineed ee dhalinyarad.

Mu,tamarka ayaa waxaa lagu casumay oo ka soo qayb galay culumo aqoon u leh diinta islaamka oo kala timid Sacuudiga gaar ahaan magaalada Madiina, Maraykanka, iyo dalka Ingriiska, culimada oo muxaadaraadkood ku jeedinayey Af-Ingriiska ayaa waxaa aad uga faa’iidaystay dhalinyaradii lagu casumay Mutamarka oo ah dhalinyaro ku dhashay dalka Ingriiska ama ku koray.

Mutamarka Dhalinyarad ayaa sanadkaan waxaa cinwaan looga dhigay Doonti badbaada oo loo la jeedo qabsashada Kitaabka Alle iyo Sunada Nebi Muhamed Naxariis iyo Nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, runtii intii uu socday Mutamarka ayaa waxaa dadkii ka qayb galay waxaa aad u soo jiitay dhalinyaro da’yar oo iyagu maamulayey Mutamarka intii uu socday  haddii ay ahaan lahay hab socodka Mutamarka , soo dhaweynta bulshada , Nadaafada goobta Mutamarku ka socday iyo qaybinta raashinka.

Culimada ka qayb gashay Mutamarka ayaa waxaa ay jeediyeen muxaadaraad kale duwan oo ay uga hadleen arrimo muhiim ah oo ay ka mid ahaayeen :

  • Cusboonaynta iimaanka.
  • Ku toosnaanka kitaabka allah iyo sunada nabiga (scw).
  • Dhibaatooyinka macsida.
  • Iyo waalidka oo loo baarinoqdo.

Waxaa muxadaraadka dhinac socday erayo waano iyo tusaalayn ah oo lagu soo bandhigay qaab suugaaneed aad u qurux badan oo af soomaali iyo English ba lahaa. Waxaan meesha ka marayn majaajilo muujinaysa xaalada dhabta ee qoysaskeena iyo nolosha qurbaha ay ku sugan yihiin.

Dhainac kale waxaa xusid mudan in Mutamarka sanadkaan ay ka soo qayb galeen dhalinyaro ka socotay Masjidka Ibnu Cutheymiin ee magaalada Leicseter, UK iyo weliba dhalinyaro ka yimid Southhampton iyo xaafadaha kale duwan ee magaalada London.  Gabagabadii Mu,tamarku wuxuu ku soo dhamaaday jawi farxad iyo rayn rayn ku dheehan tahay.

no images were found

Culumadii ka soo qayb gashay iyo Ducaadii erayada dar daarankaa ka soo jeedisay intii uu socday Mutamarka dhalinyarad ayaa waxaa ka mid ahaa:-

  1. Sheekh Yaxya Suufi.
  2. Sheekh Maxamed Cali Mowliid
  3. Sheekh Karim Abu Zaid.
  4. Sheekh Khaalid Fikr
  5. Sheekh Saciid Faaruuq.
  6. Sheekh Ismaaciil Bootaan.
  7. Sheekh Ibraahim Macallim.
  8. Sheekh Saciid Yusuf.
  9. Sheekh Cabdiraxmaan M. Warsame.
  10. Sheekh Cabdicaziiz Sheekh Cumar.

Masawiarada wixii dhiman dib ayaan ka soo gudbin doonaa haddii Alle idmo marka ay na soo gaaraan

Al-irshad Youth
London, Uk

 

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online