Puntland oo ka hadashay qabsashada degmada Taleex ee S/land.[Dhagayso]
April 15, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa waxaa uu saxaafadda u akhriyey galabta warsaxaafadeed ay maanta ka soo saareen shir deg deg ah oo ay yeesheen golaha xukuumada ee Puntland ka dib markii ciidamo taageersan S/land ay qabsadeen degmada Taleex.
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa sheegay in weerarka qaawan ee cidanka S/land ay ku qabsadeen degmada Taleex uu salka ku hayo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex jira maamulka S/land iyo in lagu jahwareeriyo shacab kooda.
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa sidoo kale ku celiyey in dhaqdhaqaaq ciidan ee S/land uu xiriir la yahay midka ay Al-shabaab ku doonayaan in ay nabadgelyo daro ka abuuraan deegaanada Puntland isagoo ku eedeeyey S/land in ay xiriir uu ka dhexeeyo Ururka Al-shabaab oo ay Puntland dagaalka kula jirto.
Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa sheegay in dowladda Puntland ay qaadi doono talaabo ku haboon arrinkaas ayna ka hortegi doonto dhul balaarsiga ay wadaan maamulka S/land isagoo ugu baaqay beesha caalamka in wixii dhibaato oo arrinkaas ka yimaada aysan dhinacooda qaadi doonin.
Hadalka Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa ku soo beegmaya xili maanta ay ciidamo taageersan S/land ay soo galeen degmada Taleex oo uu ka socday in lagu qabto shirka Khaatumo 3 oo uu abaabulkiisu socday in mudo ah.
Hoos ka Dhagayso Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/9euanxsmi2/taleex.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net