Puntland oo ka hadashay qabsashada degmada Taleex ee S/land.[Dhagayso]

April 15, 2014 - Written by Editor

InaguranGaroowe:-Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa  waxaa uu saxaafadda u akhriyey galabta warsaxaafadeed ay maanta ka soo saareen shir deg deg ah oo ay yeesheen golaha xukuumada  ee Puntland ka dib markii ciidamo taageersan S/land ay qabsadeen degmada Taleex.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa sheegay in weerarka qaawan ee cidanka S/land ay ku qabsadeen degmada Taleex uu salka ku hayo qalalaasaha siyaasadeed ee ka dhex jira maamulka S/land iyo in lagu jahwareeriyo shacab kooda.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa sidoo kale ku celiyey in dhaqdhaqaaq ciidan ee S/land uu xiriir la yahay midka ay Al-shabaab ku doonayaan in ay nabadgelyo daro ka abuuraan deegaanada Puntland isagoo ku eedeeyey S/land in ay xiriir uu ka dhexeeyo Ururka Al-shabaab oo ay Puntland dagaalka kula jirto.

Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa sheegay in dowladda Puntland ay qaadi doono talaabo ku haboon arrinkaas  ayna ka hortegi doonto dhul balaarsiga ay wadaan maamulka S/land isagoo ugu baaqay beesha caalamka in wixii dhibaato oo arrinkaas ka yimaada aysan dhinacooda qaadi doonin.

Hadalka Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran ayaa ku soo beegmaya xili maanta ay ciidamo taageersan S/land ay soo galeen degmada Taleex oo uu ka socday in lagu qabto shirka Khaatumo 3 oo uu abaabulkiisu socday in mudo ah.

Hoos ka Dhagayso Wasiirka warfaafinta dowladda Puntland Cabduwali Xirsi Cabdulle Indho-guran

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/9euanxsmi2/taleex.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online