Raisulwasaaraha DFS oo soo afmeeray socdaalkii uu ku tagay magaalada Kismaayo (Masawiro)

April 18, 2014 - Written by Editor

IMG_8980Kismaayo:-Munaasabad gabogabo u aheyd socdaalkii shaqo ee Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi ballaaran oo uu hogaaminayay kuna sugnaa muddo hal todobaad ah magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubba ayaa maanta lagu qabtay xarunta Ceymiskii hore.

Munaasabadan ayaa waxaa lagu casuumay madax dhaqameedyada gobolada jubbooyinka iyo Gedo, waxgarad, haweenka culumaa’udiin, iyadoo ay goob joog ahaayeen Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sh.Axmed Maxamed, hogaamiyaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaam, xubno ka tirsan golaha Wasiirada dawladda Federaalka, xildhibaano, safiiro matalayay Itoobiya iyo IGAD, wakiil ka socday xafiiska Q/midoobay ee Soomaaliya UNSOM iyo marti sharaf kale.

Intii ay socotay munaasabadan ayaa laga aqriyay warsaxaafadeed ka kooban sideed boqob kaasoo lagu cadeeyey in dhinacyadu ay isku afgarteen dhamaamba qodobadii ay ka wada hadleen, waxayna sidoo kale si wadajir ah u adkeeyeen in la dhaqangeliyo qodobada heshiisyadii Addis ababa iyo Muqdisho ee u dhaxeeyey dawladda Federaalka iyo hogaanka sare ee maamulka Jubba.

Qodobada Warsaxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in ciidamo ku sugnaa muddooyinkii la soo dhaafay duleedka magaalada ay soo galeen gudaha magaalada Kismaayo, kadib wadahadalo iyo isfaham ay la gaareen hogaamiyeyaasha dawladda, kuwa Jubba iyo kuwa dhaqanka, waxayna arrintani bilow u tahay qorshe si dhameystiran dib loogu soo celinayo ciidamadaasi ku sugan banaanka magaalada, kadibna lagu daro ciidanka rasmiga ah ee dawladda Federaalka, si ay u helaan xaquuqda ciidanka iyo mushaaraadkaba.

Wakiiladii ka socday beesha caalamka oo munaasabada ka hadlay ayaa xaqiijiayay taageeradooda heshiiskan iyo is fahamka labada dhinac, waxayna balan qaadeen in ay qeyb ka qaadanayaan sidii loo fududeyn lahaa dhaqangelinta heshiiskan.

Gabagabadii munaasabadan ayaa waxaa ka hadlay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Cabdiweli Sheekh, wuxuuna xusay inuu aad ugu faraxsan yahay niyad wanaaga ay isaga iyo wafdigiisa u  muujiyeen hogaanka sare ee maamulka Jubba iyo qeybaha kala duwan dadyowga ku dhaqan Jubbooyinka, wuxuuna kula dardaarmay inay xoojiyaan nabadda iyo iskaashiga.

no images were found

“Socdaalkeygan waxaan ku xaqiiqsaday in Kismaayo ay ka go’antahay nabad iyo iskaashiga, waxaana idiin sheegayaa dadku waxa ay go’aansadaan wey gaaraan, waxaan rajeynayaa in Soomaali meel kasta oo ay joogto ka gudubto dagaalka iyo khilaafka ayna u gudbaan nabad, iskaashi iyo wadajir” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh oo hadal dheer ka jeediyay munaasabadan.

Garad Salad Hersi
Senior Press officer, PM office
Kismayo, Somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online