Sh.Abubakar Shariff oo caawa lagu toogtay magaalada Mombaza ee dalka Kenya (Daawo)
April 1, 2014 - Written by EditorNairobi:-Wararka ka imaanaya magaalada Mombaza ee dalka Kenya ayaa sheegaya in koox hubeysan ay dileen allaha u naxariistee Sh.Abubakar Shariff uu ku magac dheeraa (Makaburi) waxaana uu ka mid ahaa culumada magaalada Mombaza ee taageersan kooxaha Al-Qacida .
Wargeyska Daily Dation ayaa qorey in wadaadka ay toogteen 4 qof oo hubeysan waxayna ku toogteen afaafka hore ee Maxkamada Shanzu Law Court waxaana Magaalada Mombaza horey loogu dilay Sh.Caabudo Rogo iyo Sh. Samiir Khaan iyo dhalinyaro kale oo Muslimiin ah.
Dadweyne Careysan ayaa isugu soo baxay magaalaada Mombaza ka dib markii warbaahinta Kenya laga sheegay allaha u naxariistee dilka Sh.Abubakar Shariff Makaburi waxaana magaalada Mombaza la soo dhoobay ciidamo tiro badan oo ka tirsan Booliska dalka Kenya.
Sh.Abubakar-Shariff ayaa horey uga sheegtay in gurigaasa ay dhowr mar ku soo weerareen ciidamada la dagaalanka waxay ugu yeeraan argagixisada isaga oo sharci daro ku tilmaamay in gurigiisa eeyo lala galo oo la jajabiyo.
Hoos ka Daawo Sheikh-Abubakar-Shariff oo gurigiisa ay weerareen ciidamada Nabad sugida.
Hoos ka daawo Sh.Abubakar-Shariff oo maxkamad lagu saarayo Maxkamada Shanzu Law Court
A/Cawale
Halgan.net