Suldaan Caamir Cabdidhuux oo lagu dilay magaalada Kismaayo
April 21, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in saaka lagu dilay gudaha magaalada Suldaanka Beesha Shiikhaal Suldaan Caamir Cabdidhuux xili uu suldaanka fashiyey goob Maqaaxi ah.
Suldaan Caamir Cabdidhuux ayaa waxaa dilkiisa geystay laba dhalinyaro ah oo afka soo duubtay waxaana ay ka baxsadeen goobka markii ay dilka geysteen.
Ciidamada amaanka ee maamulka Juba ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana ay bilabeen in ay baaritaano sameeyeen
Kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab ayaa bilaabay farsamooyin ay isaga horkeenayaan beelaha dega gobalka J/hoose iyaga oo haatan u soo dhigtay in ay dilaan Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobalka si ay isaga horkeenaan.
Suldaan Caamir Cabdidhuux ayaa ahaa nabadoon si weyn uga qeybqaatay dhismaha Maamulka KMG ee Juba ee uu madaxa u yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).
Mudo bil laga joogo ayaa sidoo kale kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab waxay magaalada Kismaayo ku dileen Ugaas Xuseen Haafoow oo ahaa Ugaaska Beesha Cowrmale.
waxaana la qabtay kuwii dilay iyada markii danbe dil toogasho ah lagu fuliyey
Maamulka KMG ee Juba ayaan ilaa haatan wili ka hadal dilka loo geystay alaha u naxariistee Suldaanka Beesha Shiikhaal Suldaan Caamir Cabdidhuux
Cabdi Yare
Kismaayo