Suldaan Caamir Cabdidhuux oo lagu dilay magaalada Kismaayo

April 21, 2014 - Written by Editor

kismaayoKismaayo:-Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in saaka lagu dilay gudaha magaalada Suldaanka Beesha Shiikhaal Suldaan Caamir Cabdidhuux xili uu suldaanka fashiyey goob Maqaaxi ah.

Suldaan Caamir Cabdidhuux  ayaa waxaa dilkiisa geystay laba dhalinyaro ah oo afka soo duubtay waxaana ay ka baxsadeen goobka markii ay dilka geysteen.

Ciidamada amaanka ee maamulka Juba ayaa soo gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxaana ay bilabeen in ay baaritaano sameeyeen

Kooxaha Amniyaadka ee Al-Shabaab ayaa bilaabay farsamooyin ay isaga horkeenayaan beelaha dega gobalka J/hoose iyaga oo haatan u soo dhigtay in ay dilaan Odayaasha dhaqanka beelaha dega gobalka si ay isaga horkeenaan.

Suldaan Caamir Cabdidhuux  ayaa ahaa nabadoon si weyn uga qeybqaatay dhismaha Maamulka KMG ee Juba ee uu madaxa u yahay Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Mudo bil laga joogo ayaa sidoo kale kooxaha amniyaadka ee Al-Shabaab waxay magaalada Kismaayo ku dileen Ugaas Xuseen Haafoow oo ahaa Ugaaska Beesha Cowrmale.

waxaana la qabtay kuwii dilay iyada markii danbe dil toogasho ah lagu fuliyey

Maamulka KMG ee Juba ayaan ilaa haatan wili ka hadal dilka loo geystay alaha u naxariistee Suldaanka Beesha Shiikhaal Suldaan Caamir Cabdidhuux

Cabdi Yare
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online