Tababar cilmiyeed loo qabtay xubnaha Mu’assasada Al-Minhaaj ee Gobolka Nugaal[Masawiro]

April 2, 2014 - Written by Editor

8Garoowe:-Tababarkaan oo soo bilawday 24 January 2014 kuna ekaa 21 March 2014 ayaa waxaa loo qabtay 72 xubnood oo ka tirsan Mu’assasada AL-MINHAAJ fareceeda gobolka Nugaal, xubnahaas oo isugu jiray rag iyo dumar ayaa waxay ahaayeen arday Jaamacadeed, arday dugsi iyo kuwo macaahidda sharcigaa wax ka barta. Maaddooyinka lagu qaatay tababar cilmiyteedkaan ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Arrimaha Dacwada iyo faafinta diinta Islaamka

2.Maamulka iyo maareynta

3. Dhaqaalaha iyo Miizaaniyad samaynta

4. Hoggaaminta iyo hoggaanka wanaagsan

5. War baahinta iyo baahida loo qabo adeegsiga qalabka war baahinta casriga ah

6. Walaaltinimada iyo isku duubnida Muslimiinta

7. Cilmiga iyo kaalinta dhallinyaradu ku leedahay bulshada

8. Zuhdiga iyo u diyaar garowga aakhiro

Tababarkaan ayaa manta lagu soo gabagabeeyay Masjidka Al-Hudaa iyadoo ay kasoo qeyb galeen dad badan oo ka socday bulshada qaybeheeda kala duwan sida:-

Wasiir xigeenka wax barashada Puntland. Dr. Maxamed Cali Faarax ,xubno ka socday Golaha deegaanka ee Garoowe
Guddoomiyaha Jaamacadda Bariga Afrika Garowe Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf, Maamulka sare ee Mu’ssasada Alminhaaj 2-da gole ee Fulinta iyo wada tashigaba.

no images were found

Hawl-wadeennadii tababarkaan fuliyey ayaa wxaa ka mid ahaa:-

1. Aqoonyahanno sida qoraaga weyn ee Dr. Siciid Cali Shire
2. Waxgaradka iyo odayaasha dhaqanka ee gobolka Nugaal
3. Ardaydii tababarka loo soo gabagabeeyay iyo marti sharaf kale oo badan

Kalmadaha Xafladda waxaa kala jeediyey xubnaha kala ah:-
1. War bixinta tababarka: Ismacil Cabdullahi Cilmi
2. Guddoomiye xigeenka Al-Minhaaj: Maxamed Siciid Faarax
3. Macallimiinta: Maxamed Cumar Axmed
4. Jaamacadda Bariga Afrika garowe: Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf
5. Ardayda: Jaamac Maxamed xassan
6. Odayaasha : Cismaan Guureeye Kaarshe
7. Wasiir xigeenka Wax barashada Puntland: Dr. Maxamed Cali Faarax

Shahaadada:
Waxaa iska kaashanayey fulinta tababar cilmiyeedkaan. Mu’assasada al-Minhaaj iyo Jaamacadda Bariga Afrika laanteeda garoowe waxaana shahaadada siiyay ardaydaan Jaamacadda bariga Afrika laanteeda garoowe.

Mu’assasada Al-Minhaaj
Garowe,somalia

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online