Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland oo ka hadlay maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Boosaaso.[Cod/Masawiro]
April 6, 2014 - Written by EditorBoosaaso:-Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur ayaa maanta waxaa uu markii ugu horeysay uu ka hadlay Maxaabiis isku dayey in ay ka baxsadaan Xabsiga dhex ee magaalada Boosaaso oo gaarayey ilaa 15 maxbuus Jimcihii la soo dhaafay balse 13 ka mid ah ay ciidan dib ugu soo celiyeen Xabsiga halka labo ka mid ah ay u suurto gashay in ay u baxsadaan gudaha magaalada Boosaaso.
Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar ayaa waxaa uu shirka jaraa’id ee uu qabtay waxaa uu ku soo bandhiga masawirada labadii maxbuus ee Xabsiga ka baxsaday kuna eedeysnaa Burcadbadeednimo waxaan uu magacyadooda ku sheegay:-
1. Maxamed Cali Siciid
2. Khadar Axmed Yuusuf
Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa sheegay in ciidanku ay ku raad joogaan maxaabiista baxsatay isagoo ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay la shaqeeyaan ciidan ka amaanka si loo soo qabto 2-da Maxbuus.
Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa uga digay in ehelada ragga maxaabiista ee baxsaday aysan wax gacan ah ku siin in ay ka baxsadaan gacanta dowladda Puntland.
Dhinac kale Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa ku sheegay sababta ay u baxsadeen maxaabiista in meesha ay ku xirnaayeen la dayactirayey ka dibna waxaa loo wareejiyey goob kale oo ay ka helleen meel dariishad ah oo biraha ku xirnaa ay ahaayeen mid fudud oo dadku ka bixi karaan.
Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa u soo jeediyey Hay’adda UNODC oo horay uga qayb qaadatay dhismaha xabsiga Boosaaso in ay gacan ka geystaan in wixii dal dalool ah ay hagaajiyaan.
no images were found
Hoos ka dhagayso shirkii Jaraa’id ee Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/pwvmr3j6h9/shirjaraaidgencali.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3
M_M_Deeq
Halgan.net