Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland oo ka hadlay maxaabiis ka baxsatay Xabsiga Dhexe ee Boosaaso.[Cod/Masawiro]

April 6, 2014 - Written by Editor

gencaliBoosaaso:-Taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Gen.Cali Nuur ayaa maanta waxaa uu markii ugu horeysay uu ka hadlay Maxaabiis isku dayey in ay ka baxsadaan Xabsiga dhex ee magaalada Boosaaso oo gaarayey ilaa 15 maxbuus Jimcihii la soo dhaafay balse 13 ka mid ah ay ciidan dib ugu soo celiyeen Xabsiga halka labo ka mid ah ay u suurto gashay in ay u baxsadaan gudaha magaalada Boosaaso.

Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar ayaa waxaa uu shirka jaraa’id ee uu qabtay waxaa uu ku soo bandhiga masawirada labadii maxbuus ee Xabsiga ka baxsaday kuna eedeysnaa Burcadbadeednimo waxaan uu magacyadooda ku sheegay:-

1. Maxamed Cali Siciid

2. Khadar Axmed Yuusuf

Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa sheegay in ciidanku ay ku raad joogaan maxaabiista baxsatay isagoo ugu baaqay shacabka reer Puntland in ay la shaqeeyaan ciidan ka amaanka si loo soo qabto 2-da Maxbuus.
Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa uga digay in ehelada ragga maxaabiista ee baxsaday aysan wax gacan ah ku siin in ay ka baxsadaan gacanta dowladda Puntland.

Dhinac kale Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa ku sheegay sababta ay u baxsadeen maxaabiista in meesha ay ku xirnaayeen la dayactirayey ka dibna waxaa loo wareejiyey goob kale oo ay ka helleen meel dariishad ah oo biraha ku xirnaa ay ahaayeen mid fudud oo dadku ka bixi karaan.

Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland ayaa u soo jeediyey Hay’adda UNODC oo horay uga qayb qaadatay dhismaha xabsiga Boosaaso in ay gacan ka geystaan in wixii dal dalool ah ay hagaajiyaan.

no images were found

Hoos ka dhagayso shirkii Jaraa’id ee Taliyaha ciidanka Asluubta dowladda Puntland Gen. Cali Nuur Cumar

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/pwvmr3j6h9/shirjaraaidgencali.mp3] Halkaan ka Dhagayso Mp3

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online