Wasiirada Waxbarashada Puntland iyo Ethiopia oo Addis Ababa ku kulmay.[Masawiro]

April 30, 2014 - Written by Editor

3Ethiopia:-Wasiirka wasaaradda waxbarashada Dawladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame ayaa magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia kula kulmay wasiirka waxbarashada ee dawladda Ethiopia Prof.Shiferaw Shigute. Labada masuul ayaa ka wada hadlay sidii loo xoojin lahaa xiriirka waxbarasho ee labada dhinac, isla markaana kor loogu qaadi lahaa.

Sidoo kale laba wasiir ayaa isla soo qaaday arrimaha deeqaha waxbarasho ee ay dawladda Ethiopia siiso Puntland , waxaana wasiirka waxbarashada Puntland uu Dawladda Ethiopia ku adkeeyey in Puntland loo kordhiyo deeqaha waxbarasho ee ay Ethiopia ka hesho.

Wasiirka waxbarashada Dawladda Puntland Dr.Cali Xaaji Warsame iyo Wasiirka waxbarashada Dawlada Ethiopia Prof. Shiferaw Shigute ayaa waxay ka wada xaajoodeen sidii loo dardar gelin lahaa isku xirka jaamacadaha iyo iskuulada farsamada gacanta ee Puntland iyo Ethiopia.

no images were found

Kulanka ay labada wasiir ku yeesheen magaalada Addis Ababa waxaa qaybtiisii danbe isaguna ku biiray wasiiru Dawlaha Tacliinta Sare ee Dawladda Ethiopia Dr. Kaba Urgessa Dinssa, isagoo labada wasiir ku taageeray xoojin xiriirka waxbarasho ee Puntland iyo Ethiopia.

Dhamaad

Xafiiska Wararka,Wacyi-gelinta Puntland
Hidaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland

 

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online