Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda oo soo dhaweeyey Soomaali laga soo tarxiilay Kenya (Masawiro)

April 9, 2014 - Written by Editor

DSC05224Mogadisho:-Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza ayaa maanta ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha caasimadda Muqdisho 82 ruux oo muwaadiniin Soomaali ah oo qaxooti ku ahaa Magaalada Nairobi ee caasimadda wadanka Kenya , kuwaasoo dalka dib loogu soo celiyay .

Soo dhoweynta garoonka diyaaradaha loogu sameeyay qaxootigaasi dib loo soo celiyay ayaa waxaa goob joog ka ahaa qaar ka mid ah xubnaha golayaasha Wasiirada,baarlamaanka,talisyada hey’adaha amniga qaabilsan, agaasinada hab maamuuska iyo qurba jooga ee Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ,hey’adda qaxootiga qaranka iyo Mas’uuliyiin kale .

Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Buri’ Mohamed Hamza oo shir jaraa’id ku qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho ,ayaa halkaasi ka akhriyay war – saxaafadeed u qornaa sidatan :

Anigoo ku hadlaya Magaca Ra’iisul wasaaraha, guud ahaan Xukuumadda iyo Shacbiga Soomaaliyeed, waxaan ku soo dhoweynayaa muwaadiniinta Soomaaliyeed dalkooda hooyo.

no images were found

Ra’iisul wasaaraha iyo Xukuumadiisa, waxa ay ku dadaalayaan inay u fududeeyaan muwaadiniinta dib loogu soo celiyay dalka wixii tas’hiilaad ah .

Dowladda Federaalka Soomaaliya , kama gaabin doonto kaalinteeda ku aadan daryeelka dadkeeda .

Dowladdu waxa ay u xilsaartay Wasiirka Arrimaha gudaha iyo Federaalka, H.E. Abdullahi Godah Barre  iyo Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya  u qaabilsan Kenya , Ambassador Mohamed Ali Nur  la tacaalidda muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku nool Kenya .

Ra’iisul wasaare H.E. Abdiweli Sheikh Ahmed Mohamed wuxuu xiriir dhanka isgaarsiinta ah  la sameeyay Wasiirka Arrimaha dibadda iyo qaar ka mid ah Xildhibaanada baarlamaanka Kenya , si xal waara loogu helo arrimaha Soomaalida ku nool wadanka Kenya .

no images were found

Dowladdu waxa ay ugu baaqeysaa hey’adaha caalamiga ee gargaarka iyo kuwa xuquuqul insaanka inay gacan kaalmo ah siiyaan dadka Soomaaliyeed ee dib loogu soo celinayo dalka , iyagoo la kaashanaya hey’adaha dowladda.

Xafiiska Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada ee Wasaaradda
Section of Press and Public Relations

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online