Xaaladda xaafadda Islii iyo Soomaalida ku nool waa Sidee Maanta ?

April 2, 2014 - Written by Editor

islii1Nairobi:-Xaafadda Islii ee Soomaalida dalka Kenya ku nool ugu badan yihiin, ayaa lanadii maalmood ee ugu dambeeyay xaaladdoodu ka sii dareysaa. Iyadoo in dhawaaleba Soomaalida ku dhaqan xaafadda Islii, ay baqdin ka qabeen go’aan ka soo baxay dowladda Kenya, ayaa dhowrkii maalmood ee la soo dhaafay waxaa ka dhacay qaraxyo dhowr ahaa, kuwaasoo ay ku dhinteen 7 qof, halka dad soddon ku dhow ay ku dhaawacmeen, qaraxyadaasna waxay uga sii dareen xaaladda dadka Soomaaliyeed.

Xaafadda Islii, ayaa waxaa lagu soo kordhiyey ciidamo badan oo isugu jira, Boolis Soomaalidu u taqaano qoryo-dheer, ciidanka koofiyad casta ah ee loo so gaabiyo JSU kuwo dharcad ah oo nabad sugid ah iyo kuwo kale oo loogu talagalay xaafadaha gudohooda.

Ciidamadan oo ammaanka sigiddiisa loo keenay, ayaa si aan kala sooc laheyn u raafay dad badan oo Soomaali ah, kuwaasoo xabsiyada ka buuxa, habeen iyo maalinna qabqabashadu xisaab maleh, iyadoona gawaari noocyo kala duwan ah oo ciidanku wataan lagu gurayo tobonaan Soomaali ah, kuwaasoo guri, hotel iyo dariiq midna aan ku baxsaneyn. Maanta ayaa mar kale waxaa boolisku sheegeen iney helaan laba bambaano oo aan weli qarxin, iyagoona ka helay xaafadda Juja ee uu laba maalin ka hor ka dhacay qarax uu ku dhintay hal qof oo loo maleynayo inuu isagu maleegayay, sida saraakiisha ammaanku sheegeen, waxaana ka sii dareysa xaaladda.

Gawaarida xaafadaha kale iyo faras magaalada aadeysa ayaa ciidanku baarayaan, iyagoo dadka kala dagaya, waxaana aan la garaneyn meel looga badbaadayo ciidankan, waxaana meeshii ugu sarreysay gaaray gorgortanka dadka lagu soo furayo.

Ugu dambeyntii: iyadoo waxaasoo dhan ay jiraan ayaa haddana noloshu kala socotaa, Isliina ma ahan meel lagu kala tagay, waxaana soo baxaya baaqyo dadka loogu sheegayo inay is dajiyaan khalkhalka iyo baqdinta badanna iska daayaan.

Halgan.net/Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online