Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino oo lagu dilay magaalada Muqdisho
April 21, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Waxaa goordhow qarax miino lagu dilay xildhibaan ka tirsan DFS oo lagu magacaabo Isaaq Maxamed Riino waxaana qaraxa uu ka dhacay degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaanka qaraxa lagu dilay ayaa waxaa dilkiisa ka soo baxaya warar kala duwan .Qaraxa ayaa la sheegayaa in Xildhibaanka loogu xiray gaarigiisa.
Ciidamada DFS ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay ee agagaarka xaruntii hore ee gobolka (Fisha Governo) ee degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.
Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino ayaa waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana uu xildhibaanku ku sii jeeday shirka amniga looga hadlayo oo ka socda magaalada Muqdisho.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh ayaa cambaareeyey dilka xildhibaan Isaaq Maxamed Riino waxaana ay ku goodiyeen in aan laga hari doono kuwa dilka geystay.
A/Cawale
Halgan.net