Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino oo lagu dilay magaalada Muqdisho

April 21, 2014 - Written by Editor

qaraxMuqdisho:-Waxaa goordhow qarax miino  lagu dilay xildhibaan ka tirsan DFS oo lagu magacaabo Isaaq Maxamed Riino waxaana qaraxa uu ka dhacay  degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaanka qaraxa lagu dilay ayaa waxaa dilkiisa ka soo baxaya warar kala duwan .Qaraxa ayaa la sheegayaa in Xildhibaanka loogu xiray gaarigiisa.

Ciidamada DFS ayaa soo gaaray goobta qaraxa uu ka dhacay ee agagaarka xaruntii hore ee gobolka (Fisha Governo) ee degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho.

Xildhibaan Isaaq Maxamed Riino ayaa waxaa uu ka mid ahaa xildhibaanada Baarlamaanka dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana uu xildhibaanku ku sii jeeday shirka amniga looga hadlayo oo ka socda magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo Raisulwasaare Cabdiweli Sheekh ayaa cambaareeyey dilka xildhibaan Isaaq Maxamed Riino waxaana ay ku goodiyeen in aan laga hari doono kuwa dilka geystay.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2014
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online