16 qof oo ku dhimatay qarax ka dhacay duleedka Muqdisho (Masawiro)
September 8, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta lagu weeraray kolonyo gaadiid ah oo ay saarnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM duleedka magaalada Muqdisho waxaana socdaalka ku weheliyey Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose, Cabdiqaadir Maxamed Nuur Sidii..Gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayaa lagu weeraray ciidamada AMISOM waxaana halkaas khasaaro balaaran ay ka soo gaartay dad rayid ah oo saaraa laba bas.
Weerarka ayaa waxaa uu ka dhacay waddada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye waxaana qaraxa ku dhintay 16 qof oo rayid ahaa oo saarnaa labo gaari oo bas ah waxaana ku dhaawacmay in ka badan 27 qof oo kale dadka dhaawacmay ayaa waxaa la geeyey isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ciidanka AMISOM Col Cali Xaamud ayaa sheegay in weerarka lagu qaaday ciidanka AMISOM ay ku dhaawacmeen laba askari waxaana uu inkiray in khasaaro badan uu gaaray ciidanka AMISOM ama ay la socdeen Saraakiil Cadaan ah.
Dhanka kale Afhayeenka howlgalada ee kooxda Al-Shabaab ayaa sheegay in weerar ay ku qaadeen kolonyo gaadiid ah oo saarnaayeen ciidamo ka tirsan AMISOM iyo saraakiil Cadaan ah ayna khasaaro badan u geysteen balse waxaa beeniyey hadalka Abu Muscab Masawiro ay soo bandhigeen warbaahinta kala duwan ee Soomaaliyeed taas oo laga wada dheehan karay khasaaraha gaaray dadweyne saarnaa laba bas kuwaas oo uu qaraxu haleelay.
no images were found
A/Cawale
Halgan.net