Baaq iyo qeylo dhaan Abaaraha ka jira gobalka Gedo [Warbixin/ Video]
September 22, 2014 - Written by EditorGedo:-Musasat Al-Raxma ayaa waxaa ay na soo gaarsiisay baaqo iyo qeylo dhaan ku socta Umada Soomaaliyeed iyada oo ka codsaneysa dhamaan shacabka Soomaaliyeed meelwalba ay joogaan in ay ka qeyb qaataan gurmadka abaaraha ee gobalka Gedo.
Gobalka Gedo ayaa waxaa ka jira abaar aad u daran waxaana halkaas ku dhintay dad iyo xoolo badan waxaana waajib ku ah qof kasta oo Muslin ah in uu garab istaago walaalahiis ku dhibaateynsan gobalka Gedo.
Musasat Al-Raxma ayaa baaqa ay na soo gaarsiisay waxaa u u qornaa sidan.
Ku: dhamaan shacabka Somaaliyeed
ku: dawladda Federalka ah Soomaaliya
Ku: Culamada Soomaaliyeed
Ku: Hay’adaha khayriga ah
Ku: Ganacsatada Soomaaliyeed
Asalaamu calaykum Waraxmatullaah.
Abaarta Gobolka Gedo.
Gobolka Gedo waxaa nooga imaanaysa akhbaar xanuun leh, waxaa ku habsatay Abaar Ba’an laba xilli oo isku xiga ayaan roob fiican ka di’in.
Arintaas waxay keentay in dadkii xoolo dhaqatada ahaa ee miyiga degenaa ay isugu darsanto Biyo la’aan iyo Daaq La’aan.
Xoolihii wixii socon karay waxaa loola qaxay dhinaca Jubooyinka gaar ahaan Geelii iyo lo’dii, Arigii oo aan meel dheer gaari karin iyo dadkii ayaa isu haray, arigu waa dhimanayaa, meelaha qaarkood waxaa laga soo sheegayaa xaalado dhimasho oo dadkii ah kuwaas oo u dhintay harraad.
Gobolku aad ayuu u balaaranyahay, meelaha dhibtu ugu sii badanyahay waa dhinaca kore ee Diir hare la yiraahdo ee wabiyada ka fog sida: G/haarey iyo aageeda, miyiga ceel waaq, Geriley, Caws qurun, Ceel cade,ceel guduud,Yaaqle, Baambe xaliimo, iyo meelo badan oo aan magacyadooda la wada koobi karin.
Hay’adaha reer Galbeedka .
Waxay warbixintooda ku sheegeen in abaarta soomaaliya ay hada ku soo socoto 4 gobol, Gedo,Bay, Bakool, iyo G/guduud.
meesha ugu daran ee ay sida gaarka ah u calaamadiyeene waa Gedo, waxay wadaan ayaa la leehay komeer iyo baaritaanno ilaa hadana wax macno leh lagama helin.
no images were found
Hay’adaha maxaliga ah
Sweden: ma jiraan ilaa iyo hadda gargaar gaaray dadka abaaruhu wax yeeleeyeen, markii laga reebo dadaalo yar yar oy isku dayeen qaar ka mid ah hay’adaha maxaliga ah.
Mu’assada Raxma oo kaashanayso jaaliyada dibadda ayaa waxay bilowday biya dhaamin, taasoo lugu bilaabay lacag $25000 oy soo direen walalaaha Sweden.
Codsi.
Waxaan Si walaalnimo ku jirto uga codsanaynaa, qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, oy ugu horeeyaan culimada, gacansatada, iyo hogaanka dhaqanka, iyo siyaasiyiinta , inay garab istaagaan muslimiintaas dhibaatadu ku dhacday, ee ay wax yeeleeyeen abaaraha gobalka Gedo:
wixii tabarucaad ah waxaa lagu hagaajinaya gudiga abaaraha gobolka Gedo, oo uu madax u yahay gudoomiyaha Mu’assada Al- Raxma Dr. C. nuur Faarax Taano:
Magacyada gudiga abaaraha Gedo:
1- Dr. Abdinur Farah Ali (Taano) +25261 6718444
2- Abdiweli Mohamed (Kurey) +25261 5554956
3-Dahir Ismail Mohamud (Fanax) +25261 5569661
4-Mohamed Ismail (Gaboobe) +25261 5569190
wabiillaahi Atawfiiq.
baaqan waxaa soo diray:
1- Sh Faarax Mire Rooble (Nairobi)
2- Dr C.nuur Faarax Taano ( Balad Xaawo)
3- Dr. Cabdulweli Sh. Muxamed Xaaji Yuusuf (Filand)
4- Sh. Adam Sh. Cabdulle (USA)
5- Dr. Cumar Muxamad warsame ( Doha)
6- Sh. Cali Muuse Ciise (UAE)
7- Sh. Caamir Maxmuud Ibraahim ( USA)
Hoos ka Daawo Film ka tarjumaya abaaraha ka jira iyo Xaaladda dhabta ah ee ka jirta Gobalka Gedo inshalaah
Musasat Al-Raxma
Gedo