Bayaan& Baaq nabadayn Beelaha ku dagaalamaya Mandera & Wajir(Akhriso)
September 9, 2014 - Written by EditorNairobi:-Annaga oo ah culimada & Hay’adda hoos ku xusan waxaan kulan ka yeelanay dagaalada sokeeye ee soo noqnoqday una dhaxeeya laba kamid ah beelaha Soomaaliyeed ee wada daga gobollada Mandera & Wajir, Waxaana ka soo baxay kulankii culimada qodobada soo socda:
1. Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan dadka labada beelood in ay Allah ay ka baqaan, ayna joojiyaan dhiiga Muslimka ee lagu daadinayo sida xaq darrada ah.
2. Waxaan dhammaan waxgaradka labada beelood ugu baaqaynaa in ay wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo khilaafka u dhaxeeya.
3. Waxaan dhammaan beelaha kale ee Soomaaliyeed ee deegaankaas, Siyaasiyiinta, Culimada, Waxgaradka ugu baaqaynaa in loo istaago sidii labada beelood loo heshiisiin lahaa, dhiiga daadanayana loo joojin lahaa.
4. Waxaan ugu baaqaynaa hay’adaha Dawlada ee deegaanka iyo dalkaba in ay ka qeyb qaataan joojinta colaadahan soo noqnoqday, taageerana u fidiyaan dadka ku hawlan nabadaynta beelahan dagaalamay.
5. Waxaan u mahadcelinaynaa dhammaan bulshada qeybaheeda kala duwan ee dadaalka ku bixiyay heshiisiinta labada beelood .
6. Waxaa culimo ahaan naga go’an in aan beelaha dagaalamay dhexgalno una kala xaqsoorno annaga oo kaashanayna Allah, kadibna Dawlada & qeybaha kala duwan ee bulshada.
7. Waxaan u saarnay gudi culimo oo ka shaqeeya heshiisiinta beelahan ku dagaalamaya deegaanada la soo sheegay.
Culimada Soo Saartay Bayaankan:
1. Sh. Maxamed Cabdi Umal.
2. Sh. Maxamed Qaasim Maxamuud.
3. Sh. Calinuur Macallin Ismaaciil.
4. Sh. C/Qaadir Maxamed Boobe.
5. Sh. Shariif Dhawiil.
6. Sh. C/Casiis Faarax ” Cajiib “.
7. Sh. Maxamuud Sh. Shibli.
8. Sh. C/Raxmaan Cumar Axmed “Dheere”.
9. Eastleigh Business District Association
10. Sh. Maxamed Cismaan Calasow.
11. Sh. C/laahi Xaaji Isxaaq.
12. Dr. Axmed Sh. C/lladiif.
13. Dr. Aadam Sh. Cali Saalax.
14. Sh. Maxamuud Iidan ” Dheere”.
15. Dr. C/llaahi Xassan Ibraahim.
16. Sh. Axmed Cali Buulle .
17. Sh. Khaliif C/laahi Guudow.
18. Sh. C/Waaxi Xassan.
19. Sh. Daawuud Sh. Maxamuud Jimcaale.
Halgan.net
Nairobi