Bulshada degmada Kalabaydh ee Gobolka Sool oo isku taagay Dhismo xarun Agoon.[Video/Masawiro]
September 12, 2014 - Written by EditorKalabaydh:-Bulshada gobolka Sool gaar ahaan degmada Kalabaydh ayaa u isu taagtay sidii loo dhisi Lahaa Xarun agoomaha lagu xanaaneeyo ee magalada Kalabaydh, taas oo maalin kasta caruur badani waayaan waalidiin tooda qaar koodana la dilo ama cuduro ay u dhin taan. Dhulkii laga dhisilahaa xaruntan agoomaha ee magaalada Kalabaydh, ayaa waxa iska kaa shaday muwaadin reer Kalabaydha ah oo lagu magacaabo Cismaan Jaamac oo bixiyay Labaloodh,oo dhulka ladhisayo ah.
Labo kalena waxaa iibiyay Jaaliyada reer Sool ee degan magaalada Stockholm,ee wadanka Sweden gaar ahaan hablaha iyo Oday Maxamuud Orgile. Guud ahaan bulshada ayaa waxa loogu baaqay in ladhiso xaruntaas agoomaha ee magaalada Kalabaydh taas oo wax wayn kabadalaysa baahida haysata Caruurta agoonta ah.
Sh Aadan wali Cabdi Xuseen ayaa sheegay dhaqaalaha ku baxaya a haddii xarunta agoonta laga dhigo dhisme Dabaq suge ah waxaan ku qiyaasnay 60,000 kun Dolar,Hadii dhisme Qolal dhismaha ladhiso Laga dhigayo waxaa ku baxaya 40,000 kun Dollar.
Bulshada Gobolada Sool ,Sanaag iyo Cayn ayaa in badan caawiya Bulshada deegaanadan Oo ay saarantahay waxa loogu yeedho (disputed regions, Sool and Sanaag,) Xayiraada gar gaar oo ay saareen Haayadaha markii loogu war bixiyay warar been abuur ah Gobolladaas.
Daawo magaalada Kalabydh ee Gobolka Sool oo laga dhagax Dhigay Xarun Agoomaha Lagu daryeelo iyo Bulshada
Dhawaan ayay ahayd markii ladhisay Xarunta Agoomaha Magaalada Buuhoodle Taas oo guul wayn ay ku tilmaameen shacabku, dhismayaasha laga dhisay goobo badan ayaa waxa dhisay Qurbo,joogta oo kaalin wayn ka qaatay Horumarka dadka gudaha ku nool iyo hay’addo kooban oo dhisa iskuulada.
Sidookale waxaa qayb waynka qaata walaaha Muslimiinta ee ku nool daafaha Caalamka iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed. Caaqil Cabdinaasir Iidle oo ah Maamulaha ayaa sheegay in Xaruntaas dhaqaale ahaan ay ka qayb qaadan Doonaan.
Sidoo kale waxaa halkaas balan qaad wayn ka sameeyay Culimada Degmada Kalabaydh oo bulshada oo dhan ugu baaqay in la dhiso xaruntan taas oo maalinkasta la keenayo magaalada caruuro Agoomo ah.
Waxaa Laga La soo xidhiidhayaa Xarunta Agoomaha Loo dhisayo Magacyada hoos ku qoran:-
1. Gudoomiyaha Dhismaha Sh Aadan wali Cabdi Xuseen +252-63 4497127
2. Kaltuun Jaamac Maxamed oo Joogta, Stockholm,Ee wadanka Sweden +46727712028
3. Sheekh Bashiir Maxamed Yuusuf oo ah Sheekha Degmada Kalabaydh +252-63 4960013
4. Sheekh. Cabdiraxmaan Maxamed Aadan Maamulaha Machadka-Kalabaydh +252-63 4496620
5. Dr Ibaraahim yuusuf Aw Nuur Agaasimaha Caafimaadka Degmada Kalabaydh +252-63 4496593
no images were found
C/kariim C/laahi
Lascanod,Somalia