Ciidanka DFS iyo AMISOM oo la Wareegay degmada Raage Ceelle ee gobolka Sh/ Dhexe.
September 30, 2014 - Written by EditorRaage Ceelle :-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa galabta la wareegay degmada Raage Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe ka dib markii ay Degmada isaga baxeen ciidamo ka tirsan Al-Shabaab oo halkaas ku sugnaa.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa si nabad galyo ah ula wareegay degamada Raage Ceelle kama dhicin gudaha Degmada wax iska horimaad ah.
G/lle C/qaadir Nuur Xasan (Qoondhe) oo ah taliye ka tirsan ciidanka DFS ayaa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan degmada Raage Ceelle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe wuxuuna xusay in ay ku sii jeedaa Degmada Cadale.
Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay wili gacanta ku hayaan deegaano ka tirsan gobalka Shabeelaha Dhexe waxaana ka mid ah Aadan Yabaal, Ruunir Good.
Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya gobalka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan Degmada Cadale oo ilaa 100-KM waqooyi bari ka u jirta magaalada Muqdisho .
A/Cawale
Halgan.net