Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM oo la wareegay deegaano ka tirsan gobalka Hiiraan
September 2, 2014 - Written by EditorHiiraan:-Ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ayaa Al Shabaab kala wareegay maanta deegaanno ka tirsan degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan waxaana ka mid ah deegaanada ay kala wareegeen deegaanka Baadi Cadde iyo Quracleey oo ka wada tirsan Degmada Jalalaqsi.
Maxamed Weheliye Axmed Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan ayaa warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho u sheegay in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ay kaabiga ku hayaan Degmada Jalalaqsi.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ayaa sheegay in ciidanka DFS ay howlgalo ka wadaan deegaanada Baadi Cadde iyo Quracleey oo ka wada tirsan Degmada Jalalaqsi mana sheegin ilaa hada cid howlgaladaas ay ku soo qabteen.
Guddoomiyaha degmada Jalalaqsi ee gobolka Hiiraan Maxamed Weheliye Axmed ayaa sheegay in howlgalada “Badweynta Hindiya”, ee ka dhanka ah Al-Shabaab ay ka bilaawdeen gobalka Hiiraan .
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa howlgalo ka dhan ah Al-Shabaab waxay ka wadaan gobalada Shabeelada Hoose /Shabeelada Dhexe, Hiiraan iyo gobalka Bakool waxaana ay la wareegeen Degmada Tiyeeglow,Degmada Buule Mareer,Degmada Kuntuwaarey,Deegaanka Fiidow iyo deegaanada Baadi Cadde iyo Quracleey oo ka wada tirsan Degmada Jalalaqsi.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa haatan qorsheynaya in ay la wareegaan Degmooyinka Baraawe iyo Jalalaqsi sida uu sheegay Abaanduulaha ciidanka DFS Jen Cabdirsaaq Khaliif Cilmi.
Cabdi Yare
Kismaayo.