Dagaal ku dhexmaray Koonfurta Gaalkacyo koox burcadbadeed ah iyo khasaaro ka dhashay
September 25, 2014 - Written by EditorGaalkacyo:-Waxaa dagaal u dhexeeya kooxo burcadbadeed ah ayaa saaka waxaa uu ka dhacay Koonfurta magalada Gaalkacyo ee ay maamulaan maamulka Gal-mudug waxaan dagaalkaas dhimasho iyo dhaawac ay soo kala gaartay labadii kooxood ee burcad ahaa iyo dad shacab ah oo ka agdhawaa goobta dagaalku ka dhacay. Dagaalka dhexmaray kooxdaan burcadbadeedka ah ayaa waxaa ku dhintay ilaa 3 qof waxaan ku dhaawacmay ilaa 8 qof oo iskugu jira burcadbadeed iyo dad shacab ah oo rasaastu ay haleeshay.
Dadka dhintay ayaa waxa la sheegayaa in uu ku jiro hogaamiye burcadbadeed oo magaciisa lagu sheegay Cali Duulaa,kaasi oo laga yaqaan Gobolka Mudug. Dagaalka dhexmaray burcadbadeedka ayaa waxaa la sheegayaa in uu salka ku hayo lacag madax furasho ah oo kooxdaan buracad ay ka qaateen weriye ajnebi ah oo lagu magacaabo Micheal Scott oo sanado badan u afduubaan koox burcadbadeed ah.
Xaalada magaalada ayaa ah mid degan mana jiraan dhibaato kale ama wax xiisad ah oo ka dhex jirta dadka walaalaha ah ee wada degan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.
M_M_Deeq
Halgan.net