Doorkee culimada kaga jiraan Siyaasadda Soomaaliya ?? [Daawo Video-ga]
September 8, 2014 - Written by EditorMinneapolis:-Waxaa ka dhacay magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota dood cilmiyeed ay qayb ka ahaayeen qaar ka mid ah culimada Soomaaliyeed ee ku nool Maraykanka waxaan ka xusi karnaa Sh.Maxamed Idris, Sheekh Xassan Jaamici, Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar, Sheekh Aadan Sheekh Cabdulle, Sheekh. Axmed Nuur iyo Sheekh. C/weli Xaaji Maxamed. Dood cilmiyeedkaan ayaa waxaa soo abaabulay Sadiq Warfaa isagoo sheegay in kulankaan loo qabtay in culimada Soomaaliyeed oo taariikh dheer ku leh xornimo doonkii dalka Soomaaliya ay bal wax ka yiraahdaan dowrkooda ku aadan siyaasada murugsan ee dalka Soomaaliya waxaan uu xusay in Fagaaraha loo sameeyey in lagu doodo ka dibna la is fahmo si dhibka looga baxo.
Sh Maxamed Idirs oo hadal kooban jeediyey ayaa sheegay in aan la gaarin waqtigii ay culimadu ay qayb ka noqon lahaayeen siyaasada Soomaaliya maadaam aan ilaa hadda aysan jirin wax jiho ah ayna muhiim tahay bal marka hore in la hello Soomaali isku duuban oo is ogola waxaan uu xalka ku soo aruuriyey ilaa 4 qodob in ay tahay muhiim waxaan ka mid ahaa:-
1.Towbad keen dhab ah.
2. Kalsooni buuxda.
3. Hoggaan wanaagsan oo leh daacadnimo.
4.Geesinimo iyo aragti dheer iyo xirfad xigmadeysan.
Waxaa kale oo goob ka hadlay Sh. Xassan Jaamic oo xusay in culimadu ay dowr fiican ka soo qaateen in shacabka Soomaaliyeed ay baraan diinta Islaamka iyo in ay hishiisiiyaan qabaaa’ilka Soomaaliyeed inta tabartood ah , Sh Xassan Jaamic ayaa ku soo afmeeray doodiida in xalku soomaaliya uu yahay xukunka Islaamka. Sh Xassan ayaa doodiisa ku soo koobay in xalka Soomaaliya la gaari karo marka la hello 3 arrimood oo kala ah.
1.Nabad
2. Caddaalad.
3. Sinaan
no images were found
Ugu danbayntii ayaa waxaa goobta ka hadlay Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar oo sheegay in ay muhiim tahay in dadka aysan kala saari diinta iyo dowladda waa haddii la doonayo in la hello xal dhb ah oo looga baxayo dhibaatada ka jirta Soomaaliya iyo caalamka Islaamka, Shiikh Cabdiraxmaan ayaa ku booriyey dadweynaha in muhiim ay tahay in Islaamka uu u yimid oo kaliya in dadka loo ilaaliyo diinta iyo dowladnimadiisa iyadoo xukunku uu noqonayo diinta Islaamka.
Hoos ka Daawo Fagaaraha Doorkee culimada kaga jiraan Siyaasadda dalka Soomaaliya
Halgan.net
Minneapolis, Minnesota