Dowladda Hoose ee Qardho oo lagu deeqay gaari Shabaqle ah oo loogu talagalay Saldhiga Booliska Qardho.[Masawirro]

September 22, 2014 - Written by Editor

OLYMPUS DIGITAL CAMERAQardho:-Xafladdaani oo lagu soo xiray Mashruuca layrarka iyo Gaari lagu wareejiyey Saldhigga Booliska Degmada Qardho ayaa waxaa ka soo qeybgalay Madaxda Sare ee Hey’adda DDG (Dinish Demining Group) Maamulka Degmada Qardho,Guddiga Badbaadadda Bulshada, Saraakiisha Booliska,Agaasimaha Wakaaladda Xoogga Koranta Ummadda,iyo mas’uuliyiin kale.

Mustafe Cumar Abshir Madaxa Hey’adda DDG ee Gobolka karkaar ayaa ka hadlay 100 layr oo lagu xiray xaafadaha magaalada Qardho iyo Gaari Shabaqle ah oo lagu wareejiyey Saldhiga Booliska Degmada kasoo qeyb ka ah Mashruuca Badbaadadda Bulshada oo Hey’adda DDG ka wado Gobolka karkaar,waxa uu sheegay in magaalada Qardo ay Hey’addaani ka wado Barnaamijyo lagu xoojinaayo Nabadda iyo Xalinta khilafaadka Tababaro ay u qabteen Xunaha Guddiga Badbadada,waxa uu xusay in Hey’adda DDG oo kaa shaneyso Wakaaladda Xoogga Korantada Ummadda in Magaalada Qardho ay ka hirgaliyeen galinta 100 laambadood oo loogu talagalay in ay ka qeybqaataan ammaanka,waxana lagu xiray intabadan wadooyinka ugu muhiimsan magaalada.

Daahir Maxamed Ismaaciil Kuxigenka Madaxa Hey’adda DDG ee Puntland ayaa sheegay in Hey’addan markii hore ka shaqeynjirtay Miino saaridda iyo ka hortagga waxyaabaha Qarxa laakiin wixii ka danbeyey 2007-dii waxa ay u wareegtay Mashaariicda Jabinta Colaadda iyo Badbaadadadadka,waxaana Qardho ay ka wadaan Mashaariic kala duwan oo si gaar ah wax tar ugu leh Bulshada.

Gudoomiyaha Degmada Qardho Maxamed Siciid Ciise Hogaamo ayaa ka mahadceliyey Gaariga Shaqablaha iyo Layrarka ay Hey’adda DDG galisay wadooyinka Xaafaddaha Magaalada Qardho,waxa uu sheegay in Hey’addaan ay Barnaamijyo dhank nabadda ay ka wado magaalada Qardho.

Hey’adda DDG oo ka mid ah Hey’adda ka shaqeeya Magaalada Qardho ayaa waxa ay wadaan Barnamijyo kala duwan oo lagu xoojinayo Nabadda iyo Badbadada Bulshada si gaar ah waxa ay xooga u sartay ka hortagga shaqaaqooyinka ka dhexdheca Bulshada iyo Xalintooda,waxana ayana qabataa Tababaro la xiriiro Habka xalint khilaafaadka iyo dhexdhexaadinta Beelaha.

Bulshada ku nool magaalada Qardho ayaa si weyn u soo dhaweeyey Mashruuca layrarka ee lagu xiray Wadooyinka xaafddaha magaalada Qardho waxaana loo mahadceliyey Hey’adda DDG Mashariicda ay ka wado Magaalada Qardho.

no images were found

C/raxman Maxamed Cali (Black)
Qardho-Karkaar Somalia.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online