Dowladda Mareykanka oo sheegtay in ay dileen hogaamiyihii Al-shabaab
September 5, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-War dhawaan ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerar kii dhinac cirka ee ka dhacay deegaaka Sablaale iyo dhaayo tubaako oo kaga beegan dhinac Waqooyi degmada Baraawe ee Gobolka Shabeelaha Hoose ay ku dileen hogaamiyihii Al-shabaab Axmed Cabdi Godane.
Qoraalkaan oo ku soo baxay mareegta Whitehouse.Gov ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ay xaqiijinayso dilka Axmed Cabdi Godane taas oo ay sheegeen in ay khasaaro weyn ku tahay ururka Al-shabaab oo farac ka ah Urur weynaha Al-Qaacida.
Waxaa kale oo Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ay sheegeen in dilka Hogaamiyaha Ururka Al-shabaab ay u tahay guul taariikhi ah geeska Afrika iyagoo xusay in sirdoonka dowladda Marayknaa in mudo ah ay u daba jiren hogaamiyaasha waxay ku sheegeen argagixisada geeska afrika .
Warka ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka ayaa ah mid iyaga ku e’eg mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay hogaanka ururka Al-shabaab oo ay ku xaqiijiyaan nolosha ama geerida hogaamiyahood.
Hoos ka Daawo Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka oo ka hadlay weerarkii ay ka fuliyeen soomaaliya 2 September 2014.
Dowladda Mareykanka ayaa ururka Al-shabab waxaa ay ku dareen liiska wax ay ugu yeeraan ururada Argagixisada bishii Bishii February ee sanadkii 2008dii, waxaana ay lacag fara badan dul dhigeen hogaamiyaal badan oo ka tirsanaa al-shabaab iyo Axmed Cabdi Godane oo ay dul dhigeen lacag gaaraysa Todoba malyuun oo dollar. Halkaan a eeg qoraalka ay Dowladda Mareykanka ay ku sheegteen dilka hogaamiyaha ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane
Dhinaca kale Saxaafadda reer galbeedka gaar ahaan Cnn-ka iyo BBc-da iyo tan Dowldda federaalka Soomaaliya ayaa ka sameeyey faalooyin iyo qoraalo ay ku sheegayaan in la dilay hogaamiyihii ururka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane laguna dilay weerarkii diyaaradaha Maraykanku ay ku qaadeen deegaanka Sablaale ee gobolka Gobolka Shabeelaha Hoose.
Hoos ka Daawo tv-ga Cnn-ka oo ka hadlay war ka soo baxay Wasaaradda Difaaca ee dowladda Mareykanka
A/cawaale
Halgan.net