Dufcadii 7aad oo ka qalin jebisay Markiska Al-Imaamu shaafici ee Burco.[Video/Masawiro]
September 29, 2014 - Written by EditorBurco:-Xaflad qalinjebin ah oo ay ka soo qayb galeen Culimada Waaweyn ,ee gobolka togdheer salaadiin iyo weliba masuuliyiin kale ayaa ka dhacday xarunta machadka barashada Culluunta sharciga ee AL- IMAAMU SHAAFICI Magaalada Burco. Xafladan oo ahayd qalin jebinta dufcadii Todobaad ee ka qalin jebisa markiska AL-Imaamu shaafici waxay ka koobanaayeen 87 Arday oo isugu jira 32 arday oo Inamo ah iyo 55 Hablood.
Ugu horayn waxaa halkaas ka hadlay Maamulaha Machadka Imaamu shaafici Shiikh Yuusuf maxamuud Diiriye oo si qoto dheer uga war bixiyey ujeedooyinka loo aas aasaay machadkan inay ahaayeeen in la dhiso wacyiga Aqooneed iyo diineed ee ardayda si loo helo Jiilal leh aqoon diineed oo tayaysan iyo in lagala dagaalamo munkaraadka. Isagoo machadku ka duulayo Manhajka dhexdhexaadka ee ehl-usunnah waljamaaca kaasoo aan lahayn gaboodfal iyo ka gaabin toona.
Sh Yuusuf Maxamuud Diriye oo ka waramaya faa,iidooyinka uu machadkani u leeyahay Bulshada inay ka mid tahay inuu soo saaray Ardaydii wax ka baran lahayd Jaamacadaha magaalada Burco gaar ahaan Kuliyada shareecada Islaamka , kaasoo ah tiirarka ugu waaweyn ee waraabiya Kuliyatu shareeca.
Machadka Imaamu shaafici oo ah xarunta ugu wayn ee laga barto Culluunta islaamiga ah ee Gobolka Togdheer waxaa guud ahaa dhigta 550 Arday oo isugu jira wiilal iyo habloba, waxaa hore uga qalin jebiyey 6 dufcadood oo soo dhamaystay mudadii waxbarashada machadka oo ahayd mudo sadex sanadood ah. Iyadoo wax barashadu ay tahay waxbarasho tayo leh taasoo ku timi ka dib markii uu Maamulku diyariyey Macalimiin Aqoon sare u leh Diinta islaamka oo waqtigooda qaaliga ah u huray inay wax baraan Ardayda iyaguna diyaarka u ah inay wax bartaan.
Xafladaa Qalinjebinta Waxaa isna halkaa hadalo kooban ka soo jeediyey Fadiilat Sheekh Cali Warsame Xasan oo ka mida Culimada waaweyn ee Soomaliyeed wuxuuna ugu horayn u mahad celiyey Maamulka Macalimiinta iyo Ardayda wax ka barata Machadka Imaamu shaafici isagoo ugu baaqay Ardaydaas inay awooda saaraan waxbarashada iyo sidii ay u xaqiijin la haayeen hadafkooda una gaadhi lahaayeen himiladooda.
Wuxu Shiikh Cali ugu danbayn kusoo gunaanaday kelmado isugu jira dardaaran dhiirigelin iyo boorrin uu ugu baaqay dhalin yarada ka qalinjebisay machadkan inay ogaadaan inay yihiin Dhaxalkii Umadan iyo Jiilashii dhaxli lahaa masiirka Umada ayna u diyaar garoobaan inay u istaagaan sidii au Dadka u gaadhsiin lahaayeen Shareecada Islaamka umadana uga faa;iideeyaan Aqoonta ay xanbaarsan yihiin inay inaanay ka daalin inay sii wataan Aqoontooda iyo waxbarashadooda ilaa Heer jamaacadeed si ay u noqdaan kuwii iyaga bedeli lahaa.
Waxaa sidoo kale halkaas ka hadlay Maamulaha Xidhiidhiyaha Wasaaradda waxbarashda iyo macaacida gaarka loo leeyahay. Mudane Jaamac cabdille cali Wuxuu mahad balaadhan usoo jeediyey Maamu;lka iyo macalimiinta Machadka isagoo ka war bixiyey u jeedooyinka loo aasaasay machadkan wuxuuna aad u soo dhoweeyey waxqabadka iyo natiijada ka soo baxday dedaalkii uu sameeyey Machadku.
Camiidka kuliyada shareecada burco ayaa isna aad uga warbixiyey in tan iyo markii la aasaasay Markiska Alimaamu shaafici uu soo saaray ardayda ugu faraha badan ee dhigata ama ka qalin jebisay Jaamacada Burco qaybta Shareecada Islaamka.
Waxaa iyana halkaas hadalo koob koban ka soo jeediyey Culimo iyo waxgaradkale oo uu ka mid yahay Sh.C/laahi Baashe Daahir isagoo ugu horayn aad ardayda ugu dhiirigeliyey inay ka faa,iidaystaan Fursadan qaaliga ah si ay kor ugu qaadaaan mustawahooda iyo heer kooda tacliimeed maadaama loo diyaariyey inay sii wadan karaan tacliintooda ilaa heer jaamacadeed. Ayna ka taxaderaan wax ka sta oo caqabad ku noqonkara inuu baabi;yo juhdigii iyo dedaalki la geliyey.
Waxa kale oo uu aad ugu mahad celiyey Jamciyada samafalka ee Alxikma oo ay leeyihiin Jaaliyada Soomaalida ee ka dhisan dalka Denmark oo horseed ka ahayd dhismaha Markiska Al-imaamu shaafici sanadkii 2005 tii.
Gudoomiyaha Jaamacadda Alnajaax Dr, Faysal Maxamed Cali ayaa isna aad usoo dhaweeyey Ardayda ka qalin jebisey Machadka Al-imaamu shaafici wuxuuna ugu balanqaaday Ardaygii galay kaalinta koowaad inay siin doonaan wax barasho Bilaash ah.
Ugu danbayn waxaa kulankaas soo gunaaday Duqa magaalada Burco Ustaad Maxamed muraad oo isna dhinaciisa ugu baaqay ardaydii gashay kaalimaha 2, 3, 4aad inuu ka bixin doono Jaamacada.
Machadka Imaamu shaafici oo ah xarunta ugu weyn xarumahad lagu barto Culuunta shareecada islaamka ee Gobolka Togdheer waxaa uu u diyaariyey ardayda gobolka togdheer waxbarasho tayasan iyo Macalimiin Aqoon sare u leh shareecada islaamka.
no images were found
Hoos ka Daawo Dufcadii Todobaad oo ka qalin jebisay Markiska Al- Imaamu shaafici ee magaalada Burco.
Hayaan Hersi
Burco,Halgan.net