Garoowe laga furay kuleej lagu barto diinta iyo maadooyinka Asaasiga(Masawiro)

September 6, 2014 - Written by Editor

diin2Garoowe:-Xafladaan oo ahayd mid ay kasoo qaybgaleen mas uuliyiin dhinaca dowlada puntland ah iyo culima awdiin iyo aqoonyahano iyo waalidiin ayaa waxaa lagu soo bandhigay kuleejka Maka Al Mukarama ee maantay xariga laga jaray .

Waxana ugu horayntiiba goobta kahadlay maamulaha kuleejka Maka Al Mukarama Sh C/Xakiim Shire Muuse Waxaana uu aad ugahadlay sida ay udiyaariyee kuleejka iyo adeega ay u diyaariyeen bulshada kuleejkaan oo yeelan doona qaybo kaladuwan sida qayb jiif ah iyo qayb ardaydu subixii ay galayaan islamarkaana lasoo safaxayo maqribkii mudadaas oo ardayda lagu bari doono shareecada islaamka iyo maa dooyinka aasaasigaa .

Kuleejkaan oo ay gacanta kuhayaan qaybo kamida culimada waaweyn ee puntland oo uu kamid yahay Sh Axmed Daahir Xasan waxaa isna goobta kalimada wacdi iyo waano iskugu jirta xafladda kasoo jeedshay Sh Maxmuud Xaaji Yuusuf Sheekha kalimad wacyi iyo waano qiimi badan kadib waxaa uu soo dhaweeyay kuleejka iyo baahida looqabay waxaana uu ugu dardaarmay maamulka kuleej in ay siiwadaan dadaalkood waxaana gaari doontaa heer ardaydoo dhan lay diin soo wareejiyo sidaas waxaa yiri Sh Maxamuud Xaaji Yuusuf .

Waxa iyana dhan kooda soo dhaweeyay waalidiinta gobolka nugaal oo iya sheegay in ay ku qanacsan yihiin kuleejkaan iyo habka uu ushaqayn doono maadaama ay gacanta ku yahaan dad mas,uuliyiin ah waxaana isna dhankiisa kahadlay Sh Cabdi Qani Qorane waxaana soo dhaweyn iyo sida uu gu faraxsan yahay kuleejkaan kadib waxaa uu baaq udiray jaaliyad asoo maaliyeed iyo kuwa reer puntland in ay caruurtooda keen sadaan kuleejka Maka Al Mukarama .

no images were found

Waxaa ugu danbayn tii soo xiray xafladaan islamarkaana xariga kajay Kuleejka Maka Al Mukarama Gudoomiyaha Gobolka Nugaal C/Qani Xaashi Cali waxaana gudoomiyuhu sheegay in lalasoo daahan kuleejkaan isla markaana waxweyn kataridoono baahidii wax barasho ee dadku uqabeen in ay helaan kuleej kaan oo kale waxaana uu balanqaaday Gudoomiye Xaashi In ay lasocdoonaan kuleejkaan islamrkaana soodhaweeynayaan dhan kooda waxaana uu kacodsaday maamulka kuleejka Maka Al Mukarama In ay ilalaiyaan balanta iyo waxa wanagsan ee ay usoo bandhigeen bulshada waxaana uu waaridiin ta ugu baaqay in ay la shaqeeyaan maamulka Kuleejka Maka Al Mukarama waxaana Uu xaqiijiyay in lagabilaabo maantay Uu kuleejku inoo furan yahay .

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online