Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Baydhabo kula kulmay ganacsato Iyo xildhibaanno ku soo biiray wafdigiisa.[Masawiro]

September 4, 2014 - Written by Editor

DSCN0274Baydhabo:-Gudoomiyaha Golaha Shacabka JFS Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari oo maalmahan Baydhabo kulammo kula lahaa qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa saakay kulan la qaatay ganacsatada gobolladan kuwooda ugu waaweyn ayadoo dhanka kalena wafdiga Gudoomiyaha Baarlamaanka ay ku soo biireen Xildhibaanno hor leh.

Waaberigii hore ee saakay ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari kulan la qaatay xubno ka socday ganacsatada gobolladan oo uu kala hadlay sidii ay ganacsatadu uga qeyb qaadan lahaayeen hormarka gobolladooda iyo hirgelinta dhismaha maamul goboleedkooda.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Baarlamaanka waxa uu maanta qaabilay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaasi oo kasoo jeeda gobolladan islamarkaana noqday qeybta labaad ee Xildhibaanno ku soo biira wafdigiisa kuwaasi oo iyana qeyb ka qaadan doona wada hadalladan iyo siddii  ay uga soo bixi lahaayeen natiijooyin wax ku ool ah.

Kulammada ka dib ayuu Gudoomiyaha Baarlamaanka Mudane Maxamed Sh.Cusmaan Jawaari waxa uu faah faahin ka siiyey saxaafadda kulammadii maanta uu qaatay waxaana uu xusay in dhammaanba kulammadan wadatashiga ah ee uu ku dhageysanayo aragtiyooyinka ay qabaan qeybaha kala duwan ee bulshada gobolladan ku dhaqan ay kusoo dhamaadeen guul islamarkaana wixii hada ka dambeeya la gudageli doono kulammo si wadajir ah ay bulshada aayahooda uga tashanayaan.

no images were found

—Dhamaad—
Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker
Email:- Media@parliament.gov.so

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online