Guutaale oo sheegay in ay la wareegeen deegaanada Wabxo iyo Jacar
September 22, 2014 - Written by EditorGalgaduud:-Wararka ka imaanaya gobalka Galgaduud ayaa sheegaya in ciidamada DFS iyo kuwa AMISOM ay la wareegeen deegaanada Wabxo iyo Jacar ee gobalka Galgaduud.
Deegaanada Wabxo iyo Jacar ayaa waxay u dhexeeyaan Degmooyinka Ceelbuur iyo Maxaas waxaana ay ciidanka huwanta ay ula wareegeen si nabad galyo ah .
Gudoomiyaha Degmada Ceelbuur ee Maamulka Gobolka Galgaduud Nuur Xasan Guutaale oo la hadlay warbaahinta u sheegay in Al-Shabaab ay ka baxeen deegaanada Wabxo iyo Jacar ayna haatan ku sii jeedaan deegaano kale isaga oo ku hanjabay in aysan Shabaab ka hari doonin oo ay duurka iskula jiraan.
Ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ayaa qorsheynaya in ay qabsadaan degmada Ceeldheer oo ay haatan ku sugan yihiin ciidanka Al-Shabaab.
Al-Shabaab ayaan ilaa haatan ka hadal deegaanada ay qabsadeen ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM gaar ahaan deegaaanada Wabxo iyo Jacar.
A/Cawale
Halgan.net