Hay,adda SAAD oo dhar u qaybisay in ka badan 300 oo agoon oo ku nool magaalada JigJiga.[Masawiro]

September 3, 2014 - Written by Editor

IMG_0213JigJiga:-Hay,ada gargaarka iyo horumarinta deegaanka somaalida itoobiya (SAAD) ayaa deeq dhar ah soo gaadhsiisay qaar ka mid ah caruurta agoonta ah ee ku nool magaalada jigjiga. Deeqdan ay hay,adu manta soo gaadhsiisay caruurtan ayaa ah mid si wayn ay ogu farxeen hooyooyinka dhalay caruurtan iyo caruurta laf ahaan tooduba.

Agoontan ka faa,idaysatay deeqdan ayay tiradoodu tahay 300 oo agoon waxayna ka mid yihiin 2000 oo agoon ah oo ay hay,adda SAAD bil walba siiso lacaga cadaan ah si ay iyaga iyo qoysaskooduba oogu noolaadaan halka 700 oo ka mid ah ay ku nool yihiin magaalada jigjiga inta kalana ay ku kala firirsanyihiin deegaanka intiisa kale.

Agoontan ay hay,adu dharkan soo gaadhsiisay ayaa waxay iskugu jiran wiilal iyo gabdho wuxuuna agoonkiiba helay isku joog iyo kabo. Lacagaha cadaanka ah ee ay hay,adu siiso agoonta ka sakow ma aha deeqdan dhareed tii oogu horeysay ee nooceeda ah balse waxay hay,adu fulisa sanad walba mar ama laba jeer.

no images were found

Hay’adda SAAD
Saadmedia2013@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online