Hay’adda Samafalka Geeska Africa Odagan ee magaalada Hargaysa oo dhar u qaybisay Agoonta [Masawiro]
September 19, 2014 - Written by EditorLaascaanood:-Deeqdaan ayaa waxa loo qaybiyay caruurta agoomaha ah ee ku jirta xarunta agoomaha ee laascaanood iyo masaakiinta magaalada laascaanood, caruurta loo qaybiyay ayaa halkaas tiradooda waxaa ka sheegay madaxa mashaariicda Hay’adda Samafalka ee Geeska africa, Sh Cabdiraxmaan Aadan Cige ayaa yidhi kun caruur ah oo kala ah wiilal iyo hablo ayaan maanta magaalada Laascaanood ugu qaybinaynaa deeqda dharka ciida oo ay bixisay hay’dda Bisha cas ee Imaaraadka Abu Dubia.
Waxaana ku deeqay Maxamed Ibnu Rashaad,Al-maktuub oo ciidsiiyay caruur gaadhaysa 1,000,000 oo ku nool daafaha Caalamka. Masuulkan ayaa Halgan,net u sheegay in goobo badan ka qaybiyeen oo ka mid ah Ceerigaabo,Laascaanood,Boorama,,Salaxlay Baligudable ,lafaruug waxaa kale oo aan ka qaybin doonaa Hargaysa,Burco.
Sh Cabdiraxmaan ayaa yidhi ” Waxaana si wayn ugu farxay dhamaan caruurihii aanu u qaybinay dharkan oo si wayn u faraxay waana talaabo muhiim ah,in ka haayad ahaan iyo masuulyiinta agoonta laascaanood iyo culimaduba iska kaashadaan sidii loo caawin lahaa agoomaha iyo masaakiinta oo diinteenu ina farasyo inaan u gargaarno.
Waxaana halkaa oga ducaynayaa cidii ka soo qaaday walaalkas ku deeqay dharkaan aniga oo ku hadalaya magaca Hay’adda samafalka ee Geeska africa sii wadi doontaa taageeradii ay siin jirtay haayadu shacabka ku nool gobolka Sool , hore ay haayadu oga fulisay mashaariic dhismayaal iskuulo,masaajido waxaana mid si wayn ay u xusuustaan dad waynuhu.
no images were found
C/kariim C/laahi
Halgan,net