Imtixaankii Aqbilaada Jaamacadda Bariga Africa oo maanta loo fariistay.[Masawiro]

September 10, 2014 - Written by Editor

DSC00251Boosaaso:-Jaamacada bariga Africa oo ah hooyada jaamacadaha Puntaland, ahna jaamacada ugu furuucda badan Soomaliya ayaa maanta oo taariikhdu tahay 10/09/2014 waxa loo fariistay imtaxaankii aqbalaada ee jaamacada bariga Africa oo ay galeen arday boqolaal ah una fariisten kuliyadaha kala duwan ee Jaamcada bariga Africa ka jira.

Kuliyadaha ay ardaydu imtaxaanka u fariisteen ayaa waxay kala yihiin:-

1. Caafimadka

2. Sharecada

3. Computer science

4. Maamulka iyo maareynta

5.Engineerinka

6. Dhaqaalaha

7. Xanaanada xoolaha

8. Eductionka

9. Public Administration

Guddoomiye ku xigeenka jaamacada bariga Africa Mohamed Mohamoud Isse ayaa warbixin uu siiyey warbaahinta waxaa uu ku soo dhaweeyay ardayda una balan qaaday in ay helayaan maamul, macalimiin iyo manhaj ku haboon siddii ay ardaydu u heli lahaayeen aqoon tayaleh.

Sidoo kale waxaa lagu wargeliyey in ay ardaydu natiijada heli doonan 15/09/2014 cidii ku gudubtaana ay isla maalinta waxbarashada bilaabi doonaan waxa kale oo loo bishaaraynayaa dadka meelaha fogfog ka soo socda in diiwangalintii socoto oo imtixaan labaad la gali doono 25/ 09/ 2014. Maamulka Jaamacada Bariga Afrika ayaa gacamo furan ku soo dhaweyn doona ardayda u balan qaadi doon jawi wanaagsan iyo waxbarsho tayo leh aqoon sare leh.

no images were found

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online