Injineerada dhisaya Garoonka Garoowe iyo Jaamacada Maakhir oo soo gaaray Boosaaso [Video/Masawiro]

September 17, 2014 - Written by Editor

DSC_0005Boosaaso:-Waxaa maanta soo gaaray magaaladda Boosaaso ee xarunta gobolka Bari Laba Injineer oo ka socday Shirkadda NARCO oo ay Kuweyt Fun u xilsaartay nashqadeynta iyo ilaalinta Airporka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir badhan. Xubnahan Injineerada ah oo lagu kala magaacbo ENG/DR Rami Chehade, ENG Maher Helal,waxaana Puntland gaar ahaana magaaladda Boosaaso kusoo dhaweeyey Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax.

Wasiirka Maaliyadda Dawladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo Saxaafada uga waramay Imaatinka Puntland ee labada Injineer ayaa ku tilmaamay guul iyo farxad usoo hoyatay Puntland maadaama ay sidaan nashqadii u noqon lahaa Airporka Garoowe iyo Jaamacada Maakhir Badhan.Ujeedada ayaa ah iney la wadaagaan Nashqada ay wadaan Shacabka iyo Madaxda Puntland si dhaqaalaha ay bixisay Kuweyt Fun loogu filneynsiiyo Airporka Garoowe iyo Jaamacada Maakhir Badhan.

…..””Maanta waxa ay wadaan Airporka nashqadiisii iyagoo raba iney la wadaagaan ra’yigooda reer Puntland haddii dhaqaalaha ama nashqada wax ka bedeli lahaayeen,Insha allah waxan Jeclahay in bilaha soo socda uu AIRPORKA iyo Jaamacadu bilaaban doonaan…..”’ayuu yiri. Mudane Shire Xaaji Faarax ayaa sheegay in labadii bilood ee lasoo dhaafay ay diyaarinayeen nashqada qurux badan oo ay yeelan doonaan Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacada Maakhir Badhan,wuxuuna intas ku daray iney la kulamayaan Madaxweyne Cabdiweli Gaas.

FAYSAL HAWAR oo ah Kuxigeenka Madaxa Mashruucan ayaa qorshaha Injineeradu yahay iney sharaxaan qaabka (Design-ka) Airporka Garoowe iyo Jaamacadda Maakhir ee Badhan si loogu gudbo wajigii 2aad ee ahaa qandaraaska. ENG/DR Rami Chehade ayaa isna dhankiisa sheegay iney doonayaan in la tashi kala sameeyaan Madaxda Puntland qaab- dhismeedka Garoonka Diyaaradaha ee Garoowe iyo Jaamacada Maakhir ee Badhan ,sidoo kale wuxuu sheegay in hawshan lagu guuleysan doono.

Wafdiga Injineerada ah ee ENG/DR Rami Chehade, ENG Maher Helal ayaa u socdaalay magaaladda Garoowe ee caasimada Puntland si nashqadaha ay wadaan la tashi ugala sameeyaan Madaxda Puntland iyo Shacabkaba.

no images were found

Hoos ka Daawo wasiirka maaliyadda ee Dowladda Puntland Shire Xaaji Faarax oo saxaafadda la hadlaya

Waaxda Warfaafinta 
Wasaaradda Maaliyadda Puntland
Xafiiska Boosaaso
mofpuntland@gmail.com

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online