Jaaliyadda Puntland ee gobolka Sindh ee dalka Pakistan oo doortay Hogaan cusub

September 19, 2014 - Written by Editor

1Karachi:-Waxaa maanta ka dhacday dalka Pakistan gaar ahaan gobolka Sindh magaalo madaxdiisa Karachi doorashada gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee gobolka Sindh, doorashadaan oo sanadkiiba mar ay qabsato Jaaliyadu ayaa ahayd mid aad loo soo agaasimay ayna kasoo qayb galeen dhammaan jaaliyada qaybaheeda kala duwan sida family-yada, ardayda, ganacsatada iyo marti sharaf ka mid ah soomaalida ku dhaqan gobolka.

Doorashadaan ayaa waxay timid ka dib markii gudoomiyihii hore ee jaaliyada uu xilkiisii dhamaaday Mr.Liibaan Maxamed Cali (TAACI) waxaana xilka gudoomiyenimo ee jaaliyada isu soo taagay sadex musharax oo kala ah Faarax Cali Guuleed, Maxamed Yuusuf Cali (Xidig) Iyo Ayuub Cabdi Khaliif.

Waxaana tartan dheer oo galay saddex wareeg ka dib ku guulaystay xilka gudoomiyenimada Jaaliyadda reer Puntland ee gobolka Sindh Mr.Faarax Cali Guuleed isaga oo hogaamin doona jaaliyada mudo sanad ah.

Waxaa mahadnaq gaar ah mudan gudigii qaban qaabada doorashada oo si weyn u soo agaasimay xafladii doorashada, gudigan ayaa kala ahaa Mr.C/qani Xamse (BBC), Mr.C/kariim Maxamed Layloon iyo Mr.Maxamud Shire Warmajaale.

Dalka Pakistan  ayaa waxa ay ka mid tahay meelaha ay ku badan tahay Jaaliyada reer Puntland gaar ahaan gobolka Sindh, Gobolkaan ayaa waxaa ku nool jaaliyad iskugu jirta Arday iyo Qoysas kuwaas oo mar walba yeesha hogaan mideeya laguna yaqaan isku xirnaan iyo isku duubni joogto ah.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online