Jaamacadda Bariga Afrika Faraceeda Garoowe oo lagu kordhiyey Kuliyadda Caafimaad.[Masawiro]
September 7, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa Jaamacada bariga Afrika faraceeda Gobolka Nugaal lagu soo bandhigay kuliyad cusub oo Jaamacada lagu soo kordhiyay oo ah kuliyada caafimaadka ee saraakiisha. Waxaana xafladaan ka soo qayb galay masuuliyiin ka socotay dowladda Puntland culimo’udiin, Aqoonyahano,dhakhaatiir,arday iyo dadka oo aad u fara badan.
Waxaana ugu horayntiiba Xafladaan ka hadlay Gudoomiyaha Jaamacada Bariga Afrika faraceeda Gobolka Nugaal Sheekh.Maxamuud Xaaji Yuusuf waxaana uu faah faahin ka bixiyay kuliyadaa iyo dadaalka ay u galeen in loo helo dalkeena waxaana Sheekhu sheegay in ay iska kaashanayaa Jaamacada Bariga Afrika iyo ururka dhakhaatiirta Puntland iyo wasaarada waxbarashada iyo sidoo kale hay’adda Manhal oo ka caawisay dhismaha kuliyadaan.
Waxaa isna goob joog ka ahaa xafladaan Gudoomiyaha guud ee Jaamacadda bariga afrika Aadan Sheekh Doon Cali ayaa sheegay in Kuliyadan ay ugu tala galeen in Jaamacada ay kordhin doonto kuliyadaha kala duwan ee baahiyaha aasaasiga u ah ardeyda ku nool gudaha Puntland. Sidoo kale maamulaha ayaa waxaa uu sheegay in ay u mahad celinayaan cid kasta oo gacan mug leh ka geysatay hirgelinta Kuliyadan Caafimaadka ee Jaamacadda lagu soo kordhiyay.
Waxaa isna dhankiisa ka hadlay Xafladaan gudoomiyaha dhakhaatiirta Puntland Dr Cartan oo sidoo kale ka mid ah dhakhaatiirta siin doonta ardaydaan cilmiga ayaa sheegay in aysan waxba kahagran doonin arday walbana u diyaar garoobo mas uuliyad balaaran maadaama wax lagu barayo hantidii dalka.
Waxaa sidoo kale isna kahadlay goobta Wasiirka Caafimaadka ee dowladda Puntland Dr Axmed Saadiq Enow waxaana wasiirku halkaas uga mahadceliyay dhamaan intii gacan ka gaysatay in ay suurta gasho kuliyadaan caafimaadka waxaana wasiirku xusay in howshaan ay balaaran tahay wasaaraduna ugu talagashay in la gaar siiyo kun magaalo oo u badan kuwa ka fog laamiga waxaana howshaan gogasha u dhigay tiimkaan maantay ku fakaray in ay noq daan kuwii dhagax dhigay waxbarahada saraakiisha caafimaadka.
Madaxwayne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng.C/xakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey ayaa u mahad celiyay Madaxda Jaamacada Bariga Africa, Hay’adaha dowliga iyo kuwa aan dowliga ahaynna ku booriyay in ay howshan gacan ka geystaan.
no images were found
Mu’ssadda Minhaaj
Garowe, Halgan.net