Khudbadii Jimce ee Masjidka Al-raxma uu ka jeediyey Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xassaan).[Video]
September 14, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Waxaa maalintii Jimce ka jeediyey khudbadii Jimce Masjidka Al-raxma ee magaalada Garoowe Sh.Xasan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) oo maalmahaan ka mid ahaa culimo dhaqdhaqaaq Dacwadeed ka waday magaalada Garoowe. Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) ayaa waxaa uu khudbadiisa uu uga hadlay Mowduuc aad u muhiim ah oo ah Xurmada ay diinteenu siiyey nafta Qofka Muslinka ah iyo khatarta ka dhalankarta dadka arrintaas ku howlan.
Sheekh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan ) ayaa xusay in fidnada ugu daran ee hadda ka jirta caalamka guud ahaan ama gaar ahaan Soomaaliya ay tahay in ay jiraan kooxo garab maray fahamka Islaamka ee saxda ah gaarayna in ay dadka shacabka iyo culimada ay jidgooyooyin ugu dhigtaan Iridaha Masaajidda oo ahayd meelaha ugu xurmo badan dhulka.
Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xasaan)ayaa waxaa uu dadweynihii khudbada dhagaysanaydey uu uga digay in la fududeysto dilka dadka Muslimiinta qofkii arrimahaas ku kacan uu Alle u diyaariyey ciqaab adag aduun iyo aakhiraba.
Hoos ka Dhagayso Khudbadii Jimce ee uu Sh.Xassan Maxamed Ibraahiim (Abuu Xassaan ) ka jeediyey Masjidka Al-raxma ee magaalada Garoowe
Mu’ssadda Al-Minhaaj
Garowe,Somalia