Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha”Xukuumaddu Mar dhow ayey wadahadal la bilaabaysaa Puntland”
September 21, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed ayaa maanta sheegay in Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan wadahadal daah-furan la bilaabi doonto Dawlad Goboleedka Puntland ee Soomaaliya. Mudane Ridwaan Xirsi ayaa sheegay in wadahadaladii la filayey inay dhowaan dhex-maraan Dawladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Puntland uu dib-u-dhac ku yimi sababo farsamo awgeed.
Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaaka ee Soomaaliya Mudane Ridwaan Xirsi Maxamed oo arrinta wadahadalada Puntland ka hadlayey waxa uu yiri:
“Waxaan dadka Puntland iyo xukuumadoodaba u xaqiijinayaa in Dawladda Federaalka ee Soomaaliya ay ka go’an tahay in ay wada shaqeeyaan Dawlad Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland si loo soo celiyo kalsoonidii iyo midnimadii qaran”.
DHAMMAAD
Abdirashid Muse
Warbaahinta Xafiiska R.W
Mogadishu-Somalia
Email1: media@opm.gov.so
Email2: abrashidmuse@gmail.com
Tell: +252616318823
Twitter: @SomaliPm, @AbdirashidMuse