Maamulka KMG Ee Juba oo ugu deeqay Abaaraha Gedo $50,000 (Dhageyso)
September 27, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa wuxuu maanta ugu deeqay $50,000 abaaraha ka jira Gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.waxaana uu u magacaabay gudi wasiiro ah oo ka tirsan Golaha wasiirada ee Maamulka Jubba.
Madaxweynaha Maamulka KMG ee Jubba ayaa warbaahinta kula hadlay magaalada Kismaayo ee xarunta wuxuuna ugu baaqay in Maamulka Jubba ay si hordhac ah ugu deeqeen gobalka Gedo oo ay ka jiraan abaaro daran $50,000 si biyo dhaamin loogu sameeyo dadka ay abaaraha ku habsadeen.
Madaxweynaha Maamulka Jubba ayaa ugu baaqay dhamaan shacabka Soomaaliyeed qeybihiisa kala duwan in ay ka qeyb qaataan gurmadka Abaaraha Gedo wuxuuna sidoo kale baaq u diray hay’adaha gargaarka ee Qaramada Midoobe si ay uga qeyb qaataan gurmadka Abaaraha Gedo iyo Jubooyinka.
Hoos ka Dhageyso Shirka jaraa,id uu Kismaayo ku qabtay Madaxweynaha Maamulka KMG EeJubba
[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/o22jpuuiqq/Madoobe.mp3]Ama Halkan Mp3
Cabdi Yare
Kismaayo