Madaxda maamulka Jubba oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee magaalda Kismaayo
September 16, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxda ugu saraysa maamulka KMG ee Jubba gaar ahaan madaxweynaha maamulka Jubba Axmed Maxamed Islaan Axmed Madoobe , ku xigeenadiisa , golahiisa wasiirada iyo Xildhibaano ka tirsan DFS oo shalay gaaray Kismaayo ayaa ku sugan garoonka diyaaradaha Kismaayo si ay u soo dhaweeyaan madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud iyo wafdi la socda oo saacadaha soo socda soo gaari doona magaalada Kismaayo.
Magaalada Kismaayo ayaa waxaa laga dareemayaa saaka qaban qaabo weyn oo lagu soo dhaweynayo wufuuda shalay ilaa saaka soo gaaray Ksimaayo waxaan la arkayaa ciidanka maamulka Jubba oo aad u adkeeyey goobaha loo asteeyey in la dejiyo wufuud iyo guud ahaan magaalada Ksimaayo.
Dhinac kale wufuud ka tirsan beesha caalamka ayaa iyagana saaka soo gaaray magaalada Kismaayo si ay uga qayb galaan shirka dib u hishiisiinta ee Gobollada Jubooyinka iyo Gedo. Wufuud soo gaaray Kismaayo saaka waxaa ka mid ah Wakiilka IGAD u qaabilsan Arrimaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay,Wasiirka Maaliyadda Dowladda Federaalka iyo xubno ka socday Beesha Caalamka.
Wixii soo kordha kala soco Halgan.net
A/cawaale
Halgan.net