Madaxwaynaha DFS oo Khudbad ka jeediyay shir looga hadlayay Arimaha Soomaaliya (Daawo-Video)
September 25, 2014 - Written by EditorNew York :-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeediyey shir gaar ah oo looga hadlayey arrimaha Soomaaliya oo ay wada gudoominayeen xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon iyo Madaxweynaha DFS .Shirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa ergooyin ka socda beesha Caalamka ,Baanka Aduunka iyo wakiilo ka socda dalalka daneeya arimaha Soomaaliya.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa khudbadiisa waxaa uu uga hadlay waxqabadaka DFS iyo in dalka Soomaaliya uu haatan u jiheystay dhanka dowladnimada iyo horumarka waxaana uu sidoo kale khudbadiisa ku xusay Madaxweye Xasan Sheekh Maxamuud guulaha ay ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM ka gareen howlgalada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab oo laga saaray deegaano badan.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa kale oo uu khudbadiisa uu uga hadlay shirarka dibu heshiisiinta ee ka socda gobalada dalka Soomaaliya qaarkiis iyo dowrka DFS.
Hoos Ka Daawo Khudbadii uu Madaxweynaha DFS ka jeediyey Shir looga hadlayey arimaha Soomaaliya
A/Cawale
Halgan.net