Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo madaxtooyada ku qaabilay saraakiil ka socotay xafiiska UNSOM ee Soomaliya.
September 25, 2014 - Written by EditorGaroowe:-Madaxwaynaha DowladdaPuntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta Xafiiskiisa Aqalka Madaxtooyada kula kulmay Agaasimaha Mashruuca sharciga , Kala Dambeynta iyo Nabadgelyada UNSOM ee Soomaliya Mr.Waldemar Very.
Qodobada Muhimka ah ee Ka Soo Baxay Kullanka Waxaa Kamid ahaa :-
1. Dardar Galinta Mashaariicda Horumarineed ee UN-ta u Hayso Puntland.
2. Horumarinta Sharaciyada ,Kaladambeynta iyo Nabadgelayada (Role Of Low & Security Institutions Group ).
3.Taaba Gelinta Mashaariicda Horumarineed ee Hay’adda UNSOM ka Wado Puntland oo ay kamid yihiin:-
B.Tayaynta iyo Tababarka Booliska Puntland.
T.Tayaynta Hay’addaha Garsoorka Puntland.
J.Kor u Qaadida Tayada Ciidamada Asluubta Puntland.
X. Kor u Qaadida Xanaanaynta Maxaabiista Ku Xiran Xabsiyada Puntland.
Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay Siyaasada xukuumadiisu in tahay wada shaqayn dhow oo ay la yeelato Hay’adda UNSOM iyo dhamaan Hay’addaha Caalamiga ah ee ka Howlgala Puntland .
Madaxda Hay’adda UNSOM ayuu Sidoo kale Madaxwayne Gaas kula dardaarmay in si hagar la’aan ah waxqabad muuqda ugu qabtaan Shacabka Puntland, taasina ay tahay Mowqifka cad ee Dowladda Puntland.
-DHAMMAAD-
Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.