Madaxwaynaha Dowladda Puntland oo qado sharaf u sameeyay waxgaradka iyo Siyaasiyiinta Beesha Bahararsame.[Masawiro]

September 10, 2014 - Written by Editor

Qado-7Garoowe:-Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr.C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowladda Puntland qado sharaf u sameeyay Waxagaradka ,Cuqaasha ,Siyaasiyiinta ,Saraakisha Ciidamada iyo Aqoonyahanada Beesha Bahararsame ee Dhulbahante .

Kullanka Qado sharafta ah ayaa waxaa Madaxwayne Dr.Gaas ku wehliyay Madaxwayne Ku Xigeenka Dowladda Puntland Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay,Siyaasi Axmed Cabdi Xaabsade ,Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland mudane Soocade, Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha Hoose ee Puntland mudane Axmed Karaash, Xildhibaano iyo Saraakil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Qadada kadib ayaa kullan gaar ah oo Madaxwayne Gaas la qaatay Beesha Bahararsame ee Dhulbahante ayaa madaxweynahu waxaa uu u cadeeyay in xukuumadiisu ay ka go’antahay sidii horumar balaaran loo gaarsiin lahaa Guud ahaan Gobolada Puntland, kullan kaana Gogol xaar u yahay isu soo dhawaynta Beelaha Wada daga Puntland oo Beesha Bahararsame ka mid tahay .

Dhinaca kale Waxgaradkii iyo Siyaasiyiinti Madasha Goob jooga ahaa ayaa iyana dhankooda sheegay in ay soo ajiibenShirkii wada tashiga iyo Midnimada Umadda Puntland oo Madaxwayne Gaas ugu baaqay Beelaha Dega Gobolada Sool,Sanaag iyo Cayn ee Puntland inay ka soo qayb galaan.

Gaarsiinta Adeegyada Caafimaadka,Waxbarashada iyo Baahinta Maamulka Ayuu madaxwayne Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas u balan qaaday wax ka qabashadooda arimahaasi oo idil iyo Kobcinta iyo Kor uqaadida arimaha Bulshada .

Ugu Dambeyn Madaxwayne Gaas ayaa sheegay in Dowladda Puntland ay Deeq u fidisay dadkii ay sameeyen Dagaaladii dhawaan ka qarxay qaybo kamid ah Gobolka Sool Dagaaladaasi oo dadbaani ku dhinteen halka qaybtoodna ku barakaceen.

no images were found

-DHAMMAAD-

Xafiiska Warfaafinta,Wacyigalinta
Hiddaha Iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Puntland.

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online