Madaxweynaha DFS oo caawa soo gaaray magaalada Nairobi

September 1, 2014 - Written by Editor

xasan3Nairobi:-Madxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa caawa  soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya waxaan halkaas ku soo dhaweeyey masuuliin ka tirsan dowlada Kenya iyo Danjiraha Kenya u fadhiya Soomaaliya Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) .

Madaxweynaha DFS ayaa waxaa la filayaa in maalinta birito ah uu ka qeyb galo shir ka dhacaya magaalada Nairobi kaas oo looga hadli doono wax ay reer galbeedku ku sheegaan arrimaha argigixisada ee khatrta ku haya Afrika waxaana ka soo qeyb galaya madaxda wadamada Afrika.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Danjire Maxamed Cali Nuur (Ameeriko) oo la hadlay warbaahinta DFS ayaa waxaa uu xaqiijiyey in madaxweynaha iyo wasiirka arimaha dibada ay shirka birito ka qeyb gali doonaan.

Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa caawa ku sugan magaalada Nairobi waxaana socdaalkiisa ku weheliya wasiirka arrimaha dibadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle iyo madax kale .
A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
September 2014
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
2930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online