Madaxweynaha DFS oo la filayo in uu gaaro magaalada Kismaayo
September 16, 2014 - Written by EditorKismaayo:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmauud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in saacadaha soo socda ay gaaraan magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxmauud ayaa ka qeyb gali doona furitaanka shirka dib-u-heshiisiinta ee saaka ka furmaya magaalada Kismaayo kaas oo ay ka qeyb gali doonaan waxgaradka iyo nabadoonada gobollada Jubada Hoose , Jubbada Dhexe iyo Gedo.
Shirka dib-u-heshiisiinta ee ka furmaya maanta Kismaayo ayaa waxaa kale oo ka soo qeyb gali doona ergo ka socota beesha caalamka sida ay ka dhawaajiyeen madaxda Maamulka Kumeel-gaarka ah ee Jubba.
Faahfaahinta dib baan idiinka soo gudbin doonaa inshalaah
Cabdi Yare
Kismaayo