Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho
September 28, 2014 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho kadib markii uu safar shaqo oo uu ku tegay dalka Mareykanka.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde, Raisulwasaaraha DFS Cabdiweli Sheekh gudoomiyaha baarlamanka, Pro.Maxamed Cismaan Jawaari wasiirro, xildhibaanno, saraakiil ka tirsan ciidamada DFS iyo masuuliin ka tirsan gobalka Bnaadir.
Madaxweynaha DFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii uu ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde waxaa wareysi kooban siiyey Tv-Dowlada Federaalka Soomaaliya waxaana uu sheegay in safarka uu ku tagay New-york ay guul ku soo dhamaatay.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha DFS oo wareysi kooban siiyey warbaahinta DFS
A/Cawale
Halgan.net